Suldaan Reer Hargeysa Ah Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ceel-Af-weyn

0
738

Hargeysa-(Geeska) – Suldaanka Beelaha Baha-Sacad (Sacad Muuse) Cumar Xasan Cabdi, ayaa baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Dagaalladu ku dhex mareen Deegaannada Degmada Ceel-Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.

1

Suldaanku wuxuu Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Cid kasta oo Wax ka qaban karta Colaadda Labada beelood u soo jeediyay inay u guntadaan daminta Colaaddaasi.

Sidaana waxa uu ku sheegay Qoraal uu soo saaray, kaasi oo u qornaa sidan, “Anigoo ah Suldaan Cumer Xasan Cabdi, Suldaanka Guud ee Baha-Sacad, waxa aan baaq nabaddeed halkan uga dirayaa, Beelaha Walaalaha ah ee Colaaddu ku dhex martay Ceel Af-wayn. Waa laba beelood oo Walaalo ah, oo aan hore wax colaad ahi u dhex marin. Wax-garadka, aqoonyahannada, Salaadiinta, Cuqaasha waxaan ka codsanayaa in ay turxaanta ka dhex qaadaan labada beelood ee Walaalaha ah. Rabbi waxaan ka baryayaa inuu is afgarad iyo wanaag arrinkooda ku dhammeeyo."