“Magta Carruurtii Xaqsoor Ee La Laayay Madaxtooyadu Si Cad Ayay U Diiday”

0
576

Picture1Anigoo Ah Muwaadin Somalilander ah Magacayguna yahay Xasan Karuur Cali waxaan aabo u ahay hibaaq xasan karuur oo ka mid ah Taageeryaashii reer xaqsoor ee la xasuuqay markii lagu dhawaaqay doorashadii Golaha degaanka 26/11/2012 Inantan iyo kuwii lala xasuuqayba waxaamar lagu siiyay ciidanka booliska ee xukuumada siilaanyo inay la dhacaan rasaasta loo yaqaano IFISADA ee cadowga lo adeegsado Inantan yar waxay boolisku ka toogteen Macdanta oo Dhamaanba Googoo’day iyo Caloosha Dhaawac Halis Ah ayaa Soo Gaadhay Wayna naafowday

Mustaqbal keediina Meesha wuu ka baxay Markastana Xanuun ayay dareemaysaa Hadaba ilaa2012 kii iyo xiligan oo ah 2015 xaqii caruurtan la xasuuqay kama hayno Xukuumadan siilaanyo waana markii 5aad ee Cabashadaydu ay Media ha soo gaadho In badan waxan ku fikiri jirey hadaad mar uun madaxtooyada gaadho cabashadaada waa La tix galin doonaa Dhaawaca Inantayda oo aad u xumaana si gaar ah ayaa loo eegi doonaa Aakhirkiina waxan galay madaxtooyada 7/1/2015 waxaan La kulmay wasiir Xirsi oo Balanta ii qabtay Waxaan u dhiibay waraaqihii inanta lagu Xaqay Markuu Akhriyey Ayuu Yidhi Maxaan Qabtaa waxan ku idhi geelaaa Shareecada Islaamku soo Xukuntay Ayaan Doonayaa in xaqa inanta lagu bixiyo mar haday naafowday Mustaqbalkeediina Meesha ka baxay Xanuuna u dheeryahay Xirsi wuxuu idhi Sharecada islaamka waxba kuma Bixino kuguna Siin mayno oo wayo ayaan ku idhi Wuxuu idhi Hadaanu sharecada Islaamka Xaqa kugu siino arintaasi sharci bay nagu noqonaysaa Dadka oo dhamina waxay nagu odhan doonaan shareecada islaamka xaqa hana lagu siiyo kaamana aqblayno inaan shareecada islaamka kuu Fulino Waxaan ku idhi maxaad ogoshahay wuxuu idhi 70$ ayaan ku bixinaa Hasha geela ah oo Xukuumada siilaanyo xeer u ah waxaan ku idhi Caruurtayada ma geel baa lagu xaqay mise riyo waxa uu idhi geel baa lagu xaqay laakiin

qiimaha riyaha ayaanu ku siinaynaa aniguna waxaan dhaar ugu maray ama Geelaa shareecada islaamku so xukuntay ayaan Xukuumada siilaanyo ka qaadi ama waan ka samri wuxuu iigu jawaabay dee waa hagaag ee orodoo wasaarada Arimaha Gudaha iyo Booliskii Caruurta idinka laayay ka hor dacwood ama ka hor buuq buuq Su’aasha Is waydiinta leh waxay tahay Ninkan Xirsi ee Shareecadii islaamka laalay ee Xeerka sareysiiyey Diintii muu ka baxay Mise wuu ku Jiraa Xukuumada Siilaanyo ma islaam baa mise waa Kristaan Markii aanu madaxtooyada ka baxnay
Nin ila socday ayaa Xirsi la hadlay wuxuu ku yidhi Madaxwaynaha Ma noo geyneysaa aanu arintayada kala hadalnee wuxuu yidhi idiin gayn mayo arimahan oo kale madaxwaynaha loolama tago waxna kama qabto. “Maah Maah Ayaa tidhaahda Ishiisa laga arke ushiisaa lala Dhacaa “  Xirsi wuxu ogyahay Raga reer axmed dhagax Xukuumada ugu jira inaanu ku jirin Nin qudha oo Raganimo Leh oo ku dhac leh oo miiska garaaci kara oo ka dhiidhiiyaaya Maatadoodi la xasuuqay Sababta uu xaqoodii u maqan yahay ilaa iyo 2012-2013-2014-2015 miyaanay la yaab ahayn hadii aanay arintani jirin Miyuu xirsi igu odhan lahaa caruurtiinii aanu xasuuqnay xaqoodii waxaanu ku bixinaynaa sixirka la siiyo Riyaha Wayda ah Ama orodoo meelahaa ka buuq buuq Qiimaha Geelu waa 1000$ ilaa 500$ xirsina wuxuu ka dhigay 70$ marka aan leeyahay xirsi shareecadii ayuu laabay
Xeerkiina wuu sareysiiyey miyaanay tani markhaati ka ahayn arinta kale ee la is waydiinayaa waxay tahay waa maxay sababta ay xukuumada siilaanyo Ficilka u galinayso Inantan yaree ay IFISADA ku jar jartay ee naafowday xaqeeda Xukuumada siilaanyo ee inantan yar la Ficil tamaysa miyay tahay mid mudo kor dhin la siiyo markii aan madaxtooyada ka baxay waxan la kulamy  Rag masuuliyiin ah oo kamid ah xisbiga wadani markii aan uga waramay wixii xirsi aan kala kulmay aad bay uga xumaadeen waxaanay ka balan qaadeen inay inanta dhakhtar Dibadeed oo Deg Deg ah U diri doonaan waxa kale oo ay ka balan qaadeen hadii ay doorashada soo socota ku guulaystaan inany bixin doonaan xaqa caruurtii reer xaqsoor ee la xasuuqay oo ay ku bixin doonaan geela ay shareecadu  soo xukunto Qiimihiisa waxa kale oo ay ka balan qaadeen reer wadani hadii ay madaxtinimada ku guulaystaan inay soo dejin doonaan shareecada islaamka ee ay xukuumada siiraanyo laashay oo xaqa ay ku bixin doonaan geela ay shareecadu soo Xukunto Xeerka la sareysiiyey ee dulmiga ahna ay baabi’in doonaan.

Hadaba imika waxan donayaa in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida ururada xuquuqal iinsaanka heer gobol iyo mid caalamiba ay arintan waxa igala qabtaan waayo waxan igu dhacay waa wax aan loo dulqaadan karin hadii dawladnimada la ixtiraamo waayo oo dawladu intay dadka rasaas la dhacdo diido bixinta xaqooda waxa halkaa ska yimaadda waa la wada garanayaa laakiin anigu ilaa imika waxaan doonayaa inaanan qaadin talaabo waxyeelaysa dawladnimada laakiin waxaad mooda in la igu khasbayo inaan talaabo halis ah qaado waayo marka inantaydii inta ciidanku hadhcad toogten ay hadana dawladu bixin waydo xaqeefa taa macnaheedu waxa weeye nin walawba tamartaa

Codsade  :  Xasan Karuur Cali_Shabeel