Sababta Aanay Shirkadaha Diyaaraduhu U Joojin Duulimaadyada Xitaa Haddii Ay Diyaaraddu Madhantahay

0
786

Shirkadaha diyaaradaha ee waaweyn waxaa looga bartay in aanay hakin duulimaadyadooda, xitaa haddii ay diyaaradda markaas kacaysa ama diyaaradaha waqtigaas ku qorani aanay haynin rakaab ku filan oo ay qaadaan. Mararka qaarkoodna waxaaba dhacda diyaarad aanu rakaab saarnayn in ay haddana sii wadato duulimaadka.

Inkasta oo ay wax soo jireena ahayd, haddana muddadii uu xanuunka Coronavirus adduunka ku amar ku taagleeyey, Dadka adduunka badankooda ayaa guryaha ku xaraysan, dalalka adduunka badankooda ayaa iska joojiyey duulimaadyadii dibadda kaga imanayey ama tegeyey, dadkuna waa ay joojiyeen safarradii, marka laga reebo tiro yar oo dalal dibadda ah ku xannibmay, kaddibna dalalkooda in ay dib ugu noqdaan u socda. Arrintan ayaa abuurtay in dad badani is weydiiyaan sida ay shirkado diyaaradeed weli u sii wadaan duulimaadyadii iyaga oo aan haysan rakaab ku filan.

Jawaabta kooban ee aynu ka bixin karno su’aashaasi waa in aynu sheegno in shirkadahani ay ku dhaqmayaan xeerka guud ee loo yaqaanno xeerka 20-80, oo meelaha tirade badan ee loo adeegsado uu ka mid yahay maamulka dhabbayaasha diyaaraduhu ka haadaan ee garoomada caalamiga ah.

In ka badan 200 oo garoon oo kuwa dunida ugu cidhiidhiga badan ah, ayaa sameeyey dhabbeyaal fadhiisigooda iyo ka haadistooda kooto loogu xidhayo shirkado gaar ah oo lacag dheeraad ah ka bixiyey. Shirkadaha aadka u shaqeeya oo doonaya in ay dheeraad ka yeeshaan shirkadaha suuqa kula jira, isla markaana waqtiga diyaaradahooda fadhiga iyo haadista kaga lumi lahaa badbaadinaya ayaa inta badan tartan u gala helidda dhabbayaal iyaga u gaar ah. Xeerka ka yaalla in garoonka diyaaraduhu uu dhabbe shirkad gaar ugu xidhaana waxa uu dhigayaa in sannadkii ay isticmaasho ugu yaraan boqolkiiba 80 saacadihiisa shaqada ah, haddii duulimaadyada shirkaddu hoos u dhacaan oo tiradu intaas ka yaraatana waxa uu maamulka madaarku ku qasbanaanayaa in uu shirkad kale siiyo. Arrintaas oo ah wax aanay aqbali Karin shirkadaha waaweyn ee tartanka caalamiga ah ku jira.

Inkasta oo uu xeerkani weligii jiray, shirkadaha waaweyna ku kallifi jiray in aanay hakin duulimaadyadooda xitaa haddii aanu qof rakaab ahi saarnayn, kaas oo loo yaqaanno duulimaadyada ‘Ghost’ rooxaanta. Haddana, culayskeedu waxa uu si gaar ah u soo baxay xilligan uu adduunka ka jiro xanuunka COVID-19 oo ay qasab noqotay in diyaaradaha adduunku ay joojiyaan duulimaadyadii marka laga reebo tiro aad u yar oo badankooda uu xeerkaasi qasbayo.

Arrintan oo culays ku keentay shirkadaha oo marar badan ka cawday ayaa sababtay in dhowaan xukuumadda Ingiriisku ay amar ku siiso hay’adda maamusha dhaqdhaqaaqa duulimaadyada in ay fiiro gaar ah u yeelato duruufaha ka dhashay xaaladdan, isla markaana ay khafiifiso ku dhaqanka xeerka 20/80. Midowaga Yurub ayaa isaguna ilaa bisha Juun ee sannadkan waxa uu hakiyey ku dhaqanka xeerka 20/80 ee duulimaadya, isaga oo ku sababeeyey duruufaha soo kordhay ee Coronavirus ka.

Intii xanuunkani jiray waxa uu khasaare laxaad leh soo gaadhsiiyey duulimaadyada rayidka ah ee adduunka, waxa aanu sababay in shirkadaha qaar ku dhawaaqaan in ay kaceen, iyada oo aanay weli caddayn muddada ay xaaladdu sidan u sii xidhnaan doonto. Hay’adda caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ‘IATA’ ayaa iyaduna saadaalisay in shirkadaha duulimaadyada ee adduunku ay sannadkan sababta Coronavirus u khasaari doonaan lacag lagu qiyaasayo 113 Bilyan oo doolar.