Sababaha Keena In Neefsigu Uu Qofka Cidhiidhi Ku Noqdo, Iyo Habka Ugu Habboon Ee Loo Daweyn Karo

0
752

Hargeysa (Geeska)- Cidhiidhiga ku dhaca neefsiga qofka oo ah xaaladda khubarada caafimaadku ay u yaqaannaan Dyspnea, waa xaalad dad badan oo dunida ku nool ku haysa dhibaato iyo diiqad fara badan, laakiin haddana leh sababo kala duwan oo aynu odhan karno waa ay kala khatarsan yihiin, siyaabo aad u kala duwanna ku timaadda.

Marka ugu horreysaba waa in aynu is weydiinno; Da’da qofka ka cabanaya in marka uu hawlqabto uu dareemay cidhiidhi neefsiga ah, nooca hawsha uu qabanayo, ama duruufta jawiga iyo cimiladu ay yihiin marka uu xaaladdan isku arkayo, tusaale ahaan, qabow badani ma jiraa? Heer kul-ku aad ma’ u sarreeyaa? Iwm. Arrinta muhiimka ahina waa in aynu ogaanno in si kasta oo ay xaaladdani ku timaaddaba ay tahay uun calaamad muujinaysa mushkilad caafimaad:

Goorma ayaa cidhiidhiga neefsigu uu calaamad u noqdaa mushkilad caafimaad:

Haddii cidhiidhiga neefsiga uu qofku muddo dheer si joogto ah u dareemo, waxa ay u dhowdahay in ay tahay xaalad caafimaadk, haddii uu yahay xaalad mar uun soo boodday oo aad u daran, muddo gaabanba ha socoto ee, markaasna waxa ay astaan u tahay xaalad caafimaad.

Xaaladahan hoose waxa ay muujinayaan in dhibaato caafimaad ay jirto:

– Qofka oo neefta qawada xilli uu raaxo iyo nasasho ku jiro.

– Neefta oo la qawado xilliga uu qofku hawl culus ama jimicsi ku jiro.

– Qofka oo cidhiidh neefsiga ah dareema marka uu jiifsado.

– Neefta oo qofka cidhiidhi ku noqota marka ay xasaasiyadi ku kacdo.

Calaamadaha lagu garto in qofku uu qawadayo neefsiga:

– Laabta oo qofka xanuunta ama uu ka dareemo diiqad iyo in aanay nafis ahayn.

– Labada dhudhun ee gacmaha midkood oo uu xanuun ama xaalad diiqad ah ka dareemo, waxaa la mid ah daanka ama qoorta oo qofka xanuuna.

– Kuraanta ama labada cagood inta hoose ee dhulka la dhigo oo barara.

– Miisaanka oo si aan ku talogal ahayn aad u bata ama aad hoos ugu dhaca, iyo qofka oo doonista (Amateedka) cuntadu ka lumo.

– Xaago ay midabkeedi huruudi ku jirto ama akhtar ah, ama mararka qaarkood dhiig la socdo.

– Xummad.

– Cod foodhi u eeg oo qofka laabtiisa laga dareemo marka uu neefsanayo.

– Qufac joogto ah, oo dabada isku haya.

– Labada debnood ama faraha hore oo midabkooda laga dareemo buluug in uu ku jiro.

– Dawakhaad ama miyir-doorsoon lagu arko qofka. Iwm. La soco…