Dhinaca taban ee ku celceshiga filimada:
Marka laga yimaaddo dhinacyada taban ee ay nafsadda u leedahay soo ceshiga shakhsiyaadka iyo dhacdooyinka ay garanayso, waxaa jira dhinaca taban oo ay leedahay ku celcelinta daawashada filimadu.
Kristin I. Bacho oo cilminafsiga ku xeeldheer ayaa mar arrintan ay ka warramaysay waxa ay caddaysay in ugu horreynba ay keento in qofku uu dhacdooyinka maqalkooda ka dhergo, kaddibna uu filimku qofka ku abuuro caajis. Muddo haddii la wadana waxa uu keeni karaa in ay hoos u dhacdo awoodda danaynta ee maskaxda qofka waxa aanay soo yaraysaa feejignaanta iyo dhugmada maskaxda iyada oo sida oo kalana caqabad ku noqota awoodda hal-abuurka.
“Baraarugsanaantaas yar ee maskaxdu la imanayso marka ay daawanayso filimo ay hore u soo aragtay, waxa ay abuurtaa in ay dhugmo u yeelan kari weydo, waxyaabo kale oo mudan ama u baahan in lagu baraarugsanaado ama muhiimad la siiyo” ayaa ay tidhi Kiristin I. Bacsho.
In filim hore ay maskaxdu dib u daawataa waxa ay sababtaa in muuqaallada iyo dhacdooyinka oo ay xasuusantahay awgeed aanay fikir iyo rogrogis badan ku samayn dhacdooyinka dhacaya iyo kuwa la filanayo labadaba. Inkasta oo dhacdooyinka ku soo noqonayaa ay abuuraan raalli ahaanshiyo iyo ku raaxaysi, haddana ma dhiirrigelinayaan in maskaxdu keento fikir iyo hal abuur.
Ceshiga filimada hore dawo ma noqon kartaa?
Marka laga yimaaddo in xiisaha qofka ee ku ceshiga filimka uu hore u daawaday ay leedahay sababo la xidhiidha xaaladda nafsiga ah ee qofka. Haddana waxaa jirta xaqiiqo kale oo ay qirayso Kiristin Bacsho, taas oo ah in ku ceshigaasi uu marar badan dawo iyo caafimaad u noqon karo qofka.
Kiristin waxa ay sheegtay in mararka qaarkood marka uu qofku dareemayo xaaladaha nafsiga ah ee qulubka, sakatiga, niyadjabka iyo guuldarrada ay caafimaad ahaan fiican tahay in uu isku dabiibo dib u daawashada filimada fiican ee uu hore u soo daawaday.