Qof Kastaa Naftiisa Waa Uu La Hadlaa, Laakiin Adigu Maxaad Naftaada Ku Tidhaahdaa? (Q. 1aad)

0
776

Lixdii aroornimo ayaa uu hurdada ka toosay. Laakiin si ka duwan sidii hore, saaka waxa u la soo kacay cabsi xubnihiisa oo dhan awood tirtay, tacab ka dhashay hurdo la’aan heshay oo xalay oo dhan uu la soo jeeday.

Sidii cadada u ahaydba waxa uu bilaabay u diyaargarowga shaqada. Laakiin maanta xaalkiisu maalmihii horel ama mid aha. Barnaamij tababar oo goobta shaqada ka socday, ayaa maanta isaga lagu qoray in uu tababarka bixiyo. Waa markii ugu horreysay ee uu wax u sheego dadka ay wada shaqeeyaan oo meel lagu soo wada ururiyey.

Muraayadda ayuu isku eegay, kaddib afkaar iyo sheekooyin aamusan ayaa sida dhibicda maskaxdiisa ku soo hooray. Fikirba fikir buu u dhiibay, sheekaba sheekay xasuusisay. Warwar badan baa I haya, sakati baa igu dhacay, ka warran bal haddii aad jeedin kari weydo tababarka? Si fiican uguma aan diyaargaroobin. Afkaar la mid ah ayaa maskaxdiisa iska buuxiyey, iyada oo nuxurku yahay walaaca uu ka qabo in uu qancin kari waayo dadka uu maanta soo hor istaagi doono. Si tartiib-tartiib ah ayaa uu u kordhay garaacii wadnihiisu, dhidid baabu isku arkay, carrab jalaqo ayaa uu yeeshay oo hadalkiiba ma dareerin karo, cabsidii ayaa sii badatay. Imika waabu dawakhsanyahay.

Haddii xaaladaha noocaas ahi adiga kugu dhacaan, ama marka aad qoraalka sare akhriyeysay aad mararka qaarkoodday in uu naftaada ka hadlayo. Haddii aad aaminsantahay in aanad arrin ku guulaysan Karin, ama aanad ku adkaysan Karin jidka guusha, adiga oo arka facaa oo guulo is xigxiga soo hoynaya. Waxa aan kugula talinayaa buugga “What to say when you talk to your self” ee uu qoray Shad Helmstetter.

Qoraagu waxa uu bogagga hore ee buuggiisan isku weydiinayaa; sirta ku jirta guusha ay dadka qaar sida is daba joogga ah u gaadhaan iyada, iyada oo dad kalana ay la kifaaxayaan in ay guul gaadhaan, ama guusha ay mar gaadhaan aanay sii joogtayn Karin. Ama intay dhinacyo fudud guulo ka gaadhaan, ay dhinacyo kale oo nolosha ka mid ahna guuldarrooyin isu nasiyaa.

Daraasado kala duwan oo uu qoraagu sameeyey waxa uu ku ogaaday, in sababta ugu weyn ee xakamaynaysa waxa aynu qabanayno oo dhami ay tahay maskaxda hoose ee qofka. Maskaxdaas ayaa ah sida barnaamij ay xubnaheennu ku shaqaynayaan. Iyada aya innagu jihaynaysa wax kasta oo nolosheenna aynu samaynayno. Maskaxdu ficilladeenna oo keliya ma xakamayso, xitaa dareemadeenna, aaminsanaanteenna iyo aragtida aynu ka qaadanayno dadka iyo dhacdooyinka innagu xeeran.

Sidee maskaxdu inoo maamushaa? Maxaa ay se xidhiidh la leedahay guusha iyo guuldarrada?

Qoraagu waxa uu inoo sheegayaa in maskaxdeenna hoose ay u shaqayso qaab aynu tusaale ugu soo qaadan karno Kombiyuutarka qaybtiisa xarunta u ah shaqadiisa oo dhan, ee lagu magacaabo ‘Central Processing unit’. Qaybtan oo magaceeda loo soo gaabiyo ‘CPU’ waxa ay fulisaa wax kasta oo aynu u sheegno kombiyuutarka, ama barnaamij kasta oo aynu ku shubno iyada oo aan wanaag iyo xumaan u kala eegayn ama sax iyo qalad u kala saarayn. Keliya waxa ay fulisaa waxa uu u diro barnaamijka lagu shubay.