Sababaha Dhiirrigeliya Dib U Daawashada Filim Hore Loo Daawaday Iyo Waxtar Iyo Dhib Midka ay Leedahay (Q. 1)

0
685

Marar badan waxaa dhacda in aynu mar iyo lababa ku ceshano daawashada filim aynu hore u daawannay, dadka qarna kamaba daalaan ku celceshiga filimada. Haddaba ma is weydiisay sababta dabeecaddani ku timaaddo iyo waxtar iyo dhibaato midka ay maskaxda u leedahay?

Baadhitaanno arrintan lagu sameeyey ayaa muujinaya in ay xidhiidh la leedahay xaaladda nafsadeed ee qofka, iyo dhinaca kalana in ay leedahay faa’idooyin iyo dhibaatooyin labadaba.

  1. Xaalad caafimaad: Waxaa jira xaalado nafsad ahaan aanu qofku jeclayn wax kediso ku noqda, taasi waa mid ka mid ah sababaha ku kallifa in uu dib u daawado filim uu hore u daawaday oo aanu ku arkayn wax dareenkiisa kedis ku noqda, maadaama oo muuqaalkasta uu ka ku xiga sii garan karo.

Kristin I. Bacho oo cilminafsiga ka dhigta kuliyadda Le Moyne ee dalka Maraykanka ayaa mar ay arrintan ka hadlaysay waxa ay sheegtay in qofka oo raadiya waxa aan ku cusbayn ay tahay hab uu nafta ugu raadinayo xasilooni maadaama oo ay cabsi ka qabto ama dulqaad aanay u lahayn waxa ku cusub ee taban ama in ay kedis ku noqoto arrin aanay jeclaysanayni.

  1. Ismoodsiis: Filimka iyo guud ahaan qiso kastaba dadku siyaabo kala duwan ayaa ay u qaabilaan, qaarkood nuxurka qisada ayaa ay qaataan, iskumana mashquuliyaan dhacdooyina yaryar iyo tafaasiisha dheeraadka ah. Laakiin waxaa jira dad jecel tafaasiisha, waana dadka inta badan dib u daawashada filimada xiiseeya.

Waa arriin iska dabiici ah, marka uu qofku filimka daawanayo in ay dhaafaan muuqaallo yaryar iyo tafaasiil aanu aad u dhaadin, sidaas awgeed dib u daawashada waxa uu ku arkaa dhacdooyin iyo tafaasiil marka hore dhaaftay, taas oo ku abuurta xiise dheeraad ah iyo in maskaxdu u aragto wax cusub, taas oo ah sababta dad badani aanay filimka dib u daawashadiisa uga daalin, ama filim kasta ay laba jeer u daawadaan.

  1. Qofka bulshaawiga ah ee saaxiibbada jecel: Filimadu qofka waxa ay ku abuuraan xaalad uu ka mid noqonayo shakhsiyaadka filimka ka muuqda, oo tusaale ahaan uu qaarkood la jirayo, qaarkoodna cadow u arkayo, haddaba dib u daawashada filimku waxa ay mararka qaarkood maskaxda ku abuurtaa raaxo iyo furfurnaan bulsho, maadaama oo ay shakhsiyaadka filimka hore u taqaannay sidaas awgeed qaarkood u yihiin sida saaxiibka, waxa aanay isku aragtaa qayb ka mid ah filimka. Waxa aanu qofku isu arkaa sida in uu saaxiibbo hore la kulmay, sidaas aweed xasilooni iyo farxad ayaa uu dareemaa.
  2. Qofka xidhxidhan: Qofka aan inta badan dadka dhexgelin, ee saaxiibbada aan waqti la qaadan waxa ay naftiisu ku xasishaa dib u daawashada filimka, maadaama oo ay maskaxdu arkayso dad ay hore ula soo qabsatay siina saadaalin akrto ficilladooda.
  3. Xusuuso hore oo fiican: Dib u daawashada filimku waxa ay maskaxda ku soo celisaa xusuuso fiican oo ay hore ugu soo aragtay filimka, waxa aanay dawaysaa xaaladda qofka qaba boholyowga ama u xiise qaba wax hore u soo maray in uu dib u helo. Muuqaallada qaar waxa ay dib ugu celinayaan carruurnimadii, kuwo kalana dhalinyaronimada, sheekho jacayl oo qofka hore u soo martay, ama xidhiidh saaxiibtinimo oo hore.
  4. Dib u soo noolaynta xidhiidhada hore: Dib ugu celinta daawashada filimku waxa ay maskaxda ku abuurtaa xiise uu u qabo in uu saaxiibbo hore ama xubno qoyska ka mid ahaa oo ay kala baadeen uu dib ula xidhiidho.
  5. Xakamaynta: Maskaxda aadamaha waxaa ku abuuran dareen doonaya in uu xakameeyo ama maamulo dhacdooyinka iyo xaaladaha kala duwan ee ku xeeran. In qofku uu filim hore dib u daawadaa waxa ay ku abuurtaa isla dareenkaas, waxa aanay maskaxda dareensiisaa awood ah in xaaladda oo dhan ay gacanta ku hayso, maadaama oo dhacdo kasta dhacadada ku xigta uu sii garanayo.

Waxa ay nafta ku abuuraysaa awood ay ku xakamayn karto dareenkeeda cabsida, ama warwarka ee ka dhalan lahaa is weydiinta waxa xiga ee dhici doona, sidaas awgeed xasilooni badan ayaa ay heshaa. La soco…