Sababa Guusha U Horseeday Bill Gates (2)

0
912

Qaybtii labaad ee warbixin ay shabakadda Alcarabiya ku eegayso dabeecado uu Bill Gates caan ku yahay oo khubarada horumarka naftu aaminsan yihiin in ay qayb ka yihiin sababaha guusha u horseeday.

  1. Ruuxda kooxda shaqaysa

Maamulaha oo qayb ka noqda kooxda shaqaynaysaa waxa ay xoojisaa niyadda iyo xiisaha shaqaalaha, waxa aanay horseedda in hawshan la qabanayo laga midho dhaliyo. Qofka shaqaalaha ahi daacadnimo iyo xamaasad dheeraad ah ayaa uu ku shaqeeyaa marka uu hareertiisa ku arkaya mulkiilaha ama maamulaha oo dhibta uu marayo oo dhan la qaba.

Bill Gates iyo Paul Allen oo ay shirkadda wada aasaaseen waxa ay caan ku ahaayeen in ay wada jir uga mid noqdaan Hawlwadeennada shirkadda, waxa ay ku jireen qayb kasta oo ka mid ah shaqada iyaga oo aan ka soocnayn Hawlwadeennada kale, waqtiga iyo culayska hawshana la qaybsanaya. Marar kala duwan oo uu ka hadlay arrintanna waxa uu ku celceliyey in hoggaamiyaha looga baahan yahay in uu Hawlwadeennada qayb ka noqdo kana caawiyo gudashada waajibaadkooda.

  1. Hal-adayg

Go’aan qaadashada waa u muhiim shaqada, laakiin in go’aan lagu adkaystaa waa arrin kale oo marar badan lagu fashilmo.

Go’aan qaadashada ha ku degdegin, daraasad iyo ka fikir ama la tashi ku qaado, laakiin marka aad gaadho ha ka walaacin in aad ku adkaysato fulinta go’aankaas. Waxa ay ka mid tahay sababaha guusha lagu gaadho.

Bill Gates waxaa lagu tilmaamaa in hal adayg badan leh oo aan dhayal ku niyadjabin. Guulaha Microsoft iyo koritaankeeda xawaaraha ku socday waxa ay in badan ku xidhnaayeen hal-adayg u la yimi, kaas oo u suurtageliyey in shirkaddiisu ay noqoto bar Bilowga isbeddelka dunida Barnaamijyada iyo teknoolajiyadda xogta.

  1. Dhaliisha ogoloow

Bill Gates waxa uu aaminsan yahay in hawsha qofku qabtay oo dhaliisheeda la sheegaa ay ka mid tahay sababaha guusha horseeda. Sababtuna waa in dhaliishu ay qofku ku dhiirrigeliso in uu qaladaadkiisa wax ka barto iyo in uu xal u raadiyo dhibaatooyinka ka hor yimaadda.

Bill Gates waxaa lagu tilmaamaa nin dul u leh dhaliisha xitaa marka ay tahay mid aad u fool xun, isaga oo cid kasta oo la yaabtana u sheega in dhaliishu ay tahay bar bilowda ay guuldarradu isugu beddesho guul, sidaas awgeed qof kasta oo guul higsanaya uu kula taliyo in dhaliisha uu muhiimad siiyo.

  1. Guusha si dhaliil leh uga fikir

Aasaasaha shirkadda Microsoft waxa uu sheegay in guuldarradu ay mar kasta tahay Macallin, in ka badan inta ay guushu Macallin tahay. waxa uu tilmaamay in ay abuurto qab iyo qofka uu galo dareen ah isla qummanaan. Haddii qofka guulaystay uu ka hor tegi waayo saamaynta iyo xakamaynta ay guushu ku keento afkaartiisana waxa in guushaasi sii socoto ayaa ay khatar ku tahay.

Gates waxa uu intaas ku daray in guushu ay tahay Macallin xun, maadaama oo ay qofku ku keento in uu ku dagsoomo naftiisa iyo kartideeda, una fikiro sida in uu ka gudbay xuduudkii guuldarrada oo aanu cabsi ka qabin in ay ku timaaddo.

Baro sida ‘Maya’ loo yidhaahdo

Himilada iyo higsigu waa dabeecad aadamaha badankiisa ku abuuran. Maalintu waxa ay ka kooban tahay 24 saacadood, laakiin dad badani waxa aanay fahamsanayn in udub dhexaadka guusha ama guuldarradu ay tahay sida loo maamulo saacadahaas. ‘Bill Gates’ waxa uu ku celceliyaa muhiimadda ay qofka u leedahay in uu barto, sida ay tahay in uu ‘Maya’u odhan karo, isaga oo sheegay in qofka oo si fudud u aqbala dalab kasta iyo hawl kastaa ay tahay sababta lumisa waqtiga uu qofku guusha uga faa’idaysan lahaa.

Waxa uu sheegay in qofku uu ‘Maya’ odhan karaa ay u samayso fursad uu xoiogga ku saaro Hawlaha uu ka midho dhalin kara, iyo sababta guusha u keeni karo.

  1. Niyad wanaag

Bill Gates waxa uu ka warramay in niyadwanaaggu uu kaalin muhiim ah ka qaato xalinta mushkiladaha iyo rumaynta guusha, sida oo kalana raad togan ku yeesho deegaanka shaqo.

Bill Gates oo arrintan sii sharraxayey waxa uu sheegay in niyadwanaaggu uu ka mid yahay sababaha ugu muhiimsan ee guusha, isaga oo intaas ku daray in qofka oo marka uu guuldarraysto, dib u dhadhansada xusuustiisana ku soo celceliya guulaha uu hore u soo gaadhay ay ka mid tahay sababaha guusha u horseedayo maadaama oo ay ka ilaalinayso niyad xumo kuna dhiirrigelinayso hal adayg iyo in aanu quusan.

Cilmibaadhis isla arrintan ka warramaysaana waxa ay ka marag kacday in farxadda iyo niyad wanaaggu ay boqolkiiba 12 kordhiyaan waxsoosaar qofka, taas oo ah tallaabo weyn oo u dhoweynaysa guusha. Muhiimadda ay leedahay in qofku uu farxadda iyo niyadwanaagga naftiisa ka shaqeeyo waxaa iyaduna muhiim in uu gacan ka geysto kor u qaadista niyadwanaagga hawlwadeennada iyo shaqaalaha ama jaalka kale ee kala shaqaynaya guusha.

  1. Halbeegga guusha

Khudbad uu Bill Gates sannadkii 2013 kii ka jeediyey hay’adda Bill and Melinda waxa uu ku sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu sameeyo ay ka mid tahay in uu samayto halbeeg shaqo oo uu ku caddaynayo halka marka uu gaadho uu guul u aqoonsanayo, iyo qiyaasta uu ku cabbirayo in shaqadiisu ay guulaysatay ama guuldarraysatay ama meelaha uu ku fashilmay, taas oo fursad u siisa in u yaqaanno halka uu u socdo, iyo wax ka qaldan taasina ay u fududayso sixitaanka maadaama oo uu garanayo waxa qaldan iyo halka ay ka qaldan yihiin.

Bill Gates waxa uu sheegay in qof kastaa guul wax ku ool ah gaadhi karo haddii uu leeyahay yoolal cadcad, jeexdo jidada yoolkaas gaadhsiin kara, isla markaana dejisto halbeeg uu ku qiyaaso hadba halka uu marayo iyo in uu weli ku taagan yahay jidkii guusha.

La soco…