Sabab La’aan Doorashada  Dib Loo Dhigay Dambigeeda Yaa Qaba?

0
763

cabdi-raxmaan-cadamiMaalmahan goob kasta iyo meel kasta waxa lagu hadal hayaa in doorashada Madaxweynaha , Ku Xigeenka iyo Wakiiladu in ay ku qabsoomayso wakhtigii loogu talo galay iyo in kale.

Wuxuu shicibku ku dhaga barjoobay doodaha iska soo horjeeda ee ka soo yeedhay xukuumada , Xisbiga Kulmiye, Labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Golayaasha Wakiilada ee ku waajahan doorashada oo ay inaga xigto dhowr bilood.

Dadweynuhu ma garanayaan waxay kaga talo galaan  mana hubaan inay dhacayso iyo in kale.

Bal aynu isku dayno in aynu fahamno weedhaha diiwan- ka galay ee laga soo xigtay qaar ka mid ah masuuliyiinta ku shaqada leh qabsoomida ama dib u dhaca doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi: “ Ma ogolaanayo in hal maalin laygu daro marka wakhtigaygu dhamaado,”.

Xukuumadu waxay tidhi: “ Anaga xagayga wax kasta waanu dhamaystirnay oo nagaga aadanaa doorashada wixii dib u dhac ah ee ku yimaad xukuumada looma raaco.

Gudoomiyaha Kulmiye md Muuse Biixi wuxuu yidhi: “ Anagu Xisbi ahaan diyaar baanu u nahay doorashada dhulkana waxba nagama yaalaan, hase yeeshee wakhtiga la qabanayo anaga nooma taalo, Madaxweynhana uma taalo,Xisbiyada Mucaaridkana uma taalo, shaqada golayaashan maaha, hawshan waxa iska leh Gudida Doorashooyinka Qaranka iyagaa laga sugayaa goorta la qabanayo doorashada iyo jadwalka lagu hawl galayo,Muuse hadalkiisa wuxuu ku daray hadiiba dib u dhac yimaado waxa ka masuul noqon doona Gudoomiye C/raxmaan Ciro iyo Golihiisa Wakiilada.

Xisbiyada Mucaaridka ah  iyo xubno ka tirsan golaha wakiiladu eeda dib u dhaca waxay saarayaan madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Akhriste, muwaadin mudada doorashada ka hadhay oo kooban iyo weedhaha sarbeebta ah ee lays waydaarsanayo waxa inooga baxay in aanay doorasho dhici Karin 26 /6/2015.

Haddaba doorashada sabab la’aan dib loo dhigay dambigeeda yaa qaba?

dambigaa iyo wixii ka yimaada masuuliyada waxa qaadi doona Madaxweynaha, inta ku dhow dhow ee talo wadaagta la leh, Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo iyaga qudhooda xil ka saran yahay toosinta iyo masiirka dalka, hada ogow kuwa doorashada carqaldayna ee raba in loo kordhiyo waa hogaankii  iyo hormoodkii umada iyagana midida daabkeeda haya,.

Waa qiiq isku qarin iyo hadal aan macno lahayn in la yidhaahdo komishanka doorashooyinkaa awooda un leh, waa run laakiin Koomishanku wuxuu ku dhawaaqi karaa ama tariikh cayimi karaa marka cidi  ku shaqada lahayd diyaariso jawigii doorashada lagu qaban lahaa.

Haddaba Su’aasha lays waydiinayaa waxay tahay haddii Golayaashii qaranku isku raacsan yahay ama ay rabaan in wakhti dheerad ah loogu daro maxay buuqa u samaynayaan oo ay bulshada naxliga ugu beerayaan?

Jawaabtu way fududahay waxa lagu dambabasaya khiyaamada iyo danbiga culus ee umada laga galay sidaa daraadeed qolo waliba waxay ku dedaalaysaa inay eeda iskaga riixdo qolada kale ama ay indhaha dadweynaha ku jeediso qoladaa ay iska soo hor jeedaan.

Masuuliyada way kala badsan karaan waxa se hubaal ah dhamaantooda inay ka baaqsadeen doorkii ay ku lahaayeen diyaarinta doorashada kamana galgalan karaan.

Madaxweyne  maah maah baa tidhaahda ( If  you want to lead long, lead well) macnuhu wuxuu yahay haddii aad jeceshahay inaad Hogaanka ku sii nagaato si wanagsan u maamul.

Mudane Madaxweyne haddii aad noqon lahayd hogaamiye fiican maanta kama aad baqateen ama kama aad warwerteen inaad mar  labaad hesho codka dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee madaxdii la doortay  (Goloyaasha Qaranka)  ay sidaa u dhaqmeen Shicibku muxuu yeelayaa?

Wixii dhacayba dhace waxa inala gudboon inaynu iska ilaalino ama ka foojignaano wax kasta oo wax yeelayn kara nabad-geliyada iyo xasiloonida dalkeena, fursad siin mayno cadawgeena badan ee dhawaraya wakhtiga iyaga oo ka rajo qaba inay mar uun arkaan Somaliland oo gashay xalad qalalaase si ay ugu wiirsadaan.

Dhanka kale siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood  ee ku baaqaya in aan la aqoonsan xukuumada wixii ka danbeeya 26 June oo la macno ah dawlad la’aan waxan u soo jeedinayaa xalku marnaba ma aha in dalka fowdo la geliyo ama dhibaatadii  laga cabanayay mid ka sii wayn la abuuro iyadoo ujeedadu tahay in maamulka Madaxweyne Siilanyo meesha laga saaro ( We must not burn down the house to kill the rats) .

Raga aan la hadlayo waxa looga baahan yahay bisayl siyaasadeed iyo aragti ka fog  loolanka iyo xilfatanka dhexdeena, Somaliland waxay ka mid tahay wadamada Gobolka ee dagaalka kula jira argagixisada dhibaatada ka dhacdaana waxay samayn ku yeelan kartaa amniga dalalka jaarka ah

Gabadha wariyaha ah ee BBC-da Marry Harper waxay tidhi : “ Trouble in Somaliland can mean trouble across the horn of Africa” .

Sidaa daraadeed waa in caadifada laga koraa oo si waayeelnimo ah loo waajahaa dhibaatada ka iman karta dib u dhaca doorashada.

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com