Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Wada Hadaladii Guddiyada Farsamo Ee Hargeysa Iyo Muqdisho Ay Dib U Furmayaan

0
737

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dib u bilaabmayaan heerkii labaad ee wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo ah guddiyo farsamo.

Wasiir Maxamuud ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu labada dhinac ugu  baaqay in la muujiyo Samir iyo dulqaad, si wada hadaladu u guulaystaan. “Dib u bilaabista wada hadalada heerka guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, Djibouti waxay diyaarinaysaa saaxadda wada hadalo guulaysta.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud, waxaanuintaas raaciyay “Waxa muhiim ah in Samir la yeesho, lana taxadiro, oo meesha laga saaro dhammaan caqabadaha dib u dhigi karaya geedi socodka.”

Wada hadalada labada guddi farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa dib u dhacay dhawr goor oo kala duwan, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya codsatay in dib loogu dhigo.