Saamaynta Ay Ereyada, Codka, Muuqaalka Iyo Aragtidu Ku Leeyihiin Curashada Jacaylka Lammaanaha

45
8999

Hargeysa (Geeska) – Cilmibaadhisaha lagu sameeyey jacaylku waxa ay sheegayaan in raadaynta jacaylku ay maskaxda ku gaadho xawaare aad u sarreeya oo ugu badnaan 1 daqiiqo illaa 4 daqiiqo ah. Daqiiqadahaas yar oo ah inta ay maskaxdu ka fikirayso waxa ay qofkan ku jeclaan karto kaddib, waxa ay go’aan ka gaadhaan in ay xiise u qaaddo qofkaas iyo in aanay dan ka gelin.

Marka uu dareenka jacaylku bilowdo waxaa durbadaba la arkaa muuqaalka, xarakaadka iyo falcelinta jidhka oo saamayn aad uga weyn ereyada la is odhanayo ku yeelanaya qofka maskaxdiisa.  Waxa ay cilmibaadhisuhu muujiyeen in waxa ugu horreeya ee dareenka maskaxeed ee qofka soo jiidanayaa uu yahay muuqaalka jidhka oo boqolkiiba 55 ka ah sababta koowaad ee jacaylka, codka ayaa isna boqolkiiba 38 ka ah sababaha jacaylka abuura, halka hadalka oo ereyadii dabacsanaa iyo qaabkii hadalku ka mid yihiinna ay boqolkiiba 7 keliya ka yihiin sababta curashada jacaylka.

Hormoonno jacaylka huriya

Culimada sayniska ayaa xaqiijiyey in jacaylku aanu ahayn dareen keliya oo qofka maankiisa gala, balse uu sida oo kale ka shaqaysiiyo hormoonnada kordhiya heerka farxadda iyo badhaadhaha ee qofka. Saynisyahannada oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in marka qofku uu ruux jinsiga kale xiiseeyo, in maskaxdu ay soo deyso maaddooyin kiimikaad oo ay ka mid tahay Dopamine oo sababta dareenka farxadda. Laakiin arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in hormoonkani uu qofka ku abuuro farxad, niyadwanaag iyo nayaayiro qofka nolosha jeclaysiisa, sida oo kalana sababo hurdo la’aan iyo in qofku uu cuntada naco (Amateedka lumiyo).

Natiijadan cilmiga ah ee ay saynisyahannadu sheegeen waxa ay mar kale u marag furaysaa sugaanyahanka kala duwan ee ka hadla arrimaha jacaylka oo afka kasta ha ku maansoodaan ee isku waafaqsan in ruuxa caashaq haleelho calaamadihiisa ay ka mid tahay hurdada oo aanu hawaysan iyo oomato xumo uu la caatoobo.

Hormoonka labaad ee jacaylku firfircooneeyaa waa ‘Norepinephrine’ oo sababa sakati, warwar iyo walbahaar. Waxa kale oo uu hormoonkani qofka ku keenaa garaaca wadnaha oo kordha iyo dhidid aan sabab lahayn.

Hormoonka saddexaad ee aynu ka xusi karno hormoonnada jacaylku saamaynta ku yeeshaa waa ‘Serotonin’. Laakiin si ka duwan saamayntii uu jacaylku hormoonnadii hore ku lahaa, markan waxa uu jacaylku hoos u dhigaa heerka hormoonkan jidhku soo deynayo. Hoos u dhacaasina waxa uu sababaa in maskaxdu ku mashquusho hal shay oo ay niyadda ku haysay. Waana sababta keenta in qofka marka uu jacaylku hayo, waxa ugu badan ee uu mar kasta ka fikirayaa uu u noqdo qofka uu jecaylka u qabo. Hurdo iyo soo jeedba isaga ayaa horjooga oo ay maskaxdu ka fikiraysaa, wanaaggiisa, quruxdiisa, soo dhoweyntiisa iyo xusuusta xidhiidhadii iyo hadalladii hore u dhex maray.

Ugu dambayntii waxa uu jacaylku firfircooni geliyaa hormoonka ‘Endorphin’ oo kaalin weyn ka qaadata dhiirrigelinta xidhiidhka lammaanaha. Hormoonka ‘Endorphin’ waa kaar-jebin tirtira xanuunka jidheed iyo ka nafsiga ah labadaba. Taas beddelkeedana waxa uu abuuraa dareen amaan iyo kalsooniyeed. Markasta oo uu qofku xasuusto ama niyadda geliyo qofka uu jecelyahay waxaa kor u kaca hormoonka Endorphin. Waxa aanay sababtaa in qofku illaawo xanuunka, kaarka iyo warwarka iyo in uu dareemo kalsooni. Arrintani waxa ay sababtaa in qofka jacaylku hayaa si uu arrimahan u helo uu mar kasta jecel yahay in uu xasuusto ama hadal hayo qofka uu jecelyahay.

Xidhiidhadaas uu jacaylku hormoonnada laleeyahay waxa ay sababaan in qofku uu mar kasta sidii hore si ka badan u sii xiiseeyo uguna sii xidhmo qofka uu jecelyahay. Waxa aanu gaadhaa heer uu u arko in jacaylkani uu dantiisaba yahay oo aanu qofka uu jecel yahay la’aantii si habsami ah noloshiisa u wadan karin, caafimaadkiisuna u buuxsamayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here