Saado Cali Oo Gashay Shil Baabuur Iyo Dhaawacyo Kala Duwan Oo Soo Gaadhay

0
581

saadoGarowe(Geeska)-Fanaanada Saado Cali Warsame, oo shalay shil baabuur ku gashay jidka u dhexeeya magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo ee gobalada Puntland, ayaa la sheegay inay xaaladeeda caafimaad wanaagsantahay.

Saado Cali, oo ay xaaladeeda caafimaad markii hore warar kala duwani ka soo baxeen, ayaa la sheegay inay dhaawac ka qabto qoorta iyo mid ka mid ah gacmaheeda oo ay ka jabtay, waxaana la geeyay cisbitaalka magaalada Garowe. Laakiin waxa shilkaas ku geeriyooday mid ka mid ah saxafiyiinta deegaanka Puntland Marxuum Maxamed Cali Cilmi, waxaanay dhaawacyo ka soo gaadheen dad kale oo fanaanada la socday.

Dhaawaca Saado Cali Warsame, ayaa la filayaa in maanta loo duuliyo dalka Djibouti si loogu dabiibo. Saado Cali ayaa shalay ka soo degtay Garoonka Gaalkacyo ee Puntland, waxaanay marka shilku haleelay ku soo jeeday maaalada Garowe.