Saadaasha sannadka 2017
Nostradamus saadaalaha yaabka leh ee ku duugan buuggiisa saadaash oo sida aynu sheegnay ah kuwo ku dhisan illaa sannadka 3797ka, marka uu ka hadlayo sannadka 2017ka waxa uu sheegayaa in ay dhici doonaan dhacdooyin aan caadi ahayn oo la xidhiidha cimilda iyo deegaanka. Kuwaaso oo ay ka mid yihiin heerka biyaha badaha oo kor u kaca kadibna sababa in ay bad isu rogaan dhulal badan oo hadda berri ahi.
Saadaasha Nostradamus oo taabanaysa, arrimaha dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo dhinac kasta oo xaaladaha kala duwan ee dunida ah, waxa uu ku sheegay in shidaalka ay dalalka Khaliijku qaniga ku yihiin uu sabab u noqon doono dhibaatooyin iyo colaado ka dhaca dalalka bariga dhexe.
Dad badan oo ah qolyaha fasiray saadaasha Nostradamus ee qaabka gabayga u qoran ayaa aaminsan in saadaashiisa ay ku jirto in uu dalka Maraykan qabsan doonin nin leh calaamadaha iyo dabeecadaha Donald Trump oo dhowaan ku guulaysty doorshadii madaxweyne ee dalka Maraykanka.
Waxa uu sheegay in sannadka 2017ka ay ku jiraan arrimo badan oo fili waa ah, waxaa ka mid ah heer-kulka dunida oo kor u sii kaca, khayraadka dabiiciga ah oo dunida ku yaraada, gaar ahaan biyha oo aad u yaraada, xasaradaha, is-mari-waaga iyo colaadaha oo bata, iyo weliba khatarta ah in ay dhacaan dagaallo argagaxiso iyo weerarro loo adeegsado hubka khatarta ah.
Dalka Shiinaha: Ayaa sannadkan laga filayaa in uu qaado tallaabooyin dhiirran oo uu ku daweynayo, isu-dheelli-tirnaan la’aanta dhaqaale ee dalkaa iyo dunidaba ka jirta.
Talyaaniga: Talyaaniga ayaa laga filayaa in ay ka dhacdo dhibaato dhaqaale xumo, shaqo la’aanta oo badata iyo deynta dalka lagu leeyahay oo aad u badata. Khalkhal ku yimaadda nidaamka dhaqaale ee dalka iyo bangiyad, iyo in uu is casili doono hoggaamiyaha dalkaasi.
Bariga Yurub iyo Ruushka: Waxa uu saadaalinayaaa in xabbad joojini ay dhex marto Ruushka iyo Ukraine, iyo in uu dhaco heshiis gaadhi kara heer nabadeed, laakiin uu Maraykanku ka soo horjeesan doono, halka uu Midowga Yurub gaar ahaan Jarmalku soo dhoweyn doonaan.
Laatiin Ameerika: Iyada oo lagu salaynayo saadaashii Nostradamus waxa ay qolyaha arrimahaas u dhuun daloolaa ku andacoonayan in dalka Maraykanku uu farogelin doono siyasadaha dal ka mid ah dalalka loo yaqaanno Laatiin Ameerika, taas oo keeni doonta in uu talada ka wareejin doono nidaamka siyaasiga ah ee hadda ka jira, laakiin ay taasi horseedi doonto khalkhal iyo xasilooni darro dalkas ka dhacda.
Kuuriyada woqooyi:
Saadaasha qaabka gabayga ah u diyaarsan ee Nostradamus waxyaabaha kale ee ay khubarada isku hawshay fasiraaddeedu ka fahmeen, waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-un uu mar kale tijaabin doono hubka Nukliyeerka ah ee uu dalkiisu samaysto, iyo in loo arki doono in uu yahay keli taliyaha ugu khatarta badan dunida oo dhan, laakiin haddana isla saadaashan waxaa ku xusan in Kim Jong-un talada laga xayuubin doono, oo uu dalka Ruushka magangelyo weydiisn doono. In kasta oo qaybtan dambe aanay caddyn in uu Nostradamus sannadkan inay dhacayso u jeedo.
Faransiiska:
Nostradamus waxa uu saadaaliyey in dalka Faransiisk ay ka dhici doonto doorasho ah bar-bilowga isbeddel siyasiya oo beddela taariikhda Faransiiska.
Tamarta:
Nostradamus waxa uu saadaaliyey in sannadka 2017ka ay dunida aad ugu faafi doonto farsamada ah in tamarta laga dhaliyo qorraxda, iyo in sannadka 2017 ka ay dunida ka bilaabmi doonto safarro ganacsi oo dadku ay ku tagaan hawada sare ah iyo safarro dhulka oo dhan lagu soo wareegayo.
Maraykanka:
Sida lagu xusay shabakadda Al-Carabiya iyo warbaahin kale oo uu Geeska Afrika soo xigtay, waxa uu Nostradamus saadaaliyey in sannadka 2017ka uu talada Maraykan la wareegi doono nin leh tilmaamaha Donald Trump waxa aanu xukunkiisu la kawsan doonaa hoos u dhac ku yimadda awoodda dhaqaale ee Maraykanka, halka taas beddelkeedana uu dalka Shiinuhu buuxin doono kaalinta daweynta iyo xal u raadinta xasilooni darrada dhaqale ee dunida, oo weliba uu Shiinuhu guulo waaweyn ka soo hoyn doono xal u raadin dhibaatada dhaqaale ee dunida. La soco…………..