Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee ka hadlaysay muhiimadda ay saacadda ugu horreysa maalintu u leedahay shaqada uu qofku qabanayo maalinta inta hadhay, iyada oo tusaale u soo qaadanaysa dad caan ah oo sheegaya waxa ugu horreeya ee ay maalintooda shaqo ku bilaabaan.
– Iska ilaali in quraacdu ay kaa qaadato waqti ka badan 7 daqiiqo si aanay waqti kaaga lumin.
– Maalin kasta waxa aad waqtigaaga ku dartaa Shan daqiiqo oo aad ku qorto xusuustaata maalinlaha ah iyo waxyaabaha aad la kulanto ee xusuusta mudan, kuna dadaal in xusuustaa aad qortay aanay noqon wax maalinta aad qortay kugu dambeeyo. Samayso waqtiyo aad dib u eegto.
– Subax kasta marka aad soo toosto shaqada ka hor qor inta arrimood ee aad doonayso in aad qabato iyo hiigsigaaga maalintaas, marka maalintu dhammaatana dib u eeg si aad u hubiso waxa kaaga suurtogalay.
– Ku dadaal guud ahaan xidhiidhka, gaar ahaan iska jir in shaqada iyo hawsha badani ay kaa mashquuliyaan xidhiidhka qoyskaaga (Xaaska / Sayga iyo carruurta) iyo saaxiibbada kuu dhow ee aad jeceshay. Dhammaad