Walaalkii Weynaa Weli Waa Uu Taliyaa: Kamaal A. Ali … kamaal02@yahoo.com (Q:4)

0
485

Picture3

Wasaaradda TARMINTA iyo WAX-SOO-SAARKA waxa ay si joogto ah u soo saartaa warbixinno xisaabeed iyo tiro-koobyo ay ku soo bandhigayo guulo ay sheeg-sheegto in uu dalku gaadhay laakiin aanay dadka caadiga ahi la qabin, marar badanna iyada oo marka horeba si macno darro ah loo soo malo-awaalay haddana dib uu wax-ka-beddel iyo kaabis ugu sameeyo Smith si uu u waafajiyo waxa uu ‘Walaalka Weyn’ jecel yahay. Wasaaraddani waxa ay ka shaqaysaa faqri ku haynta raciyadda, ka faa’idaysiga muwaadinkta ee khayraadka dabiiciga ah oo la yareeyo, wax-soo-saarka oo la dhimo iyo lacagta oo suuqa lagu yareeyo si busaaradi dadka u wada gaadho. Iyada oo waxaas oo dhan samaynaysa haddana wasaaradda TARMINTU iyada oo kaashanaysa wasaaradda RUNTA waxa ay dadka ku qancisaa in ay ku nool yihiin horumar iyo barwaaqo joogto ah.

Wasaaradda TARMINTU waxa ay leedahay Waax ka masuul ah wax lagu magacaabo Bakhtiyaa-nasiibka Qaranka. Waaxdani waxa ay sannad kasta qabataa bakhtiyaa-nasiib ay sheegto qofka ku guulaysta in la siin doono abaal marina ad u weyn. Dad u badan dabaqadda muruq-maalka ah oo hunguri ka galo abaal marintaas dawladdu sheegto ayaa tikidho u iibsada khamaarkan, si ay u helaan, laakiin haddana weli lama hayo hal qof oo la garanayo oo abaal marintaas helay. Wasaaradda RUNTA ayaa inta uu bakhtiyaa nasiibku socdo waxa ay baahisaa liisas ay ku qoran yihiin magacyo tiro badan oo ah dad ay sheegayso in ay abaal marintii bakhtiyaa-nasiibka heleen, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in magacyadaasi ay dhammaantood yihiin kuwo been ah oo aan ahayn dad jira.

Haddii aynu wasaaradaha xukuumadda ‘Walaalka Weyn’ halkaas kaga hadhno, qisadan oo dhab ahaantii si weyn u taabanaysa waaqaca maanta ka jira dalal badan oo dunida ah, waxaa loo turjumay in ka badan 62 Af oo dunida lagaga hadlo, sida Carabiga, Faransiiska, Isbaanishka iyo afaf kale.

Nuxurka Masraxiyadda Orwell waxa uu si xeeldheer oo farshaxan ka muuqdo u tilmaamayaa sida qiyamkii iyo akhlaaqdii wanaagsanayd ee aadamaha lagu yaqaannay ay isugu beddeshay wax aan macno lahayn oo aanay cidi xaalayn iyo dhibta xukuumadaha arxanka daran ee dunida maanta meelo badan ka jiraa ay ku hayaan dadkooda. Ma’aha dawladaha keli-taliska ah ee afgembiga ku yimaadda oo keliya, sida laga yaabo in ay dadka qaar u fahmaan, balse waxaa ka mid ah dawlado badan oo doorasho ku yimi oo sidan ummadooda u baabi’iya, muwaadiniintoodana ula macaamila sida in ay yihiin dad bilaa garaad iyo dareen ah, wax himilo ah aan lahayn rajadooduna dhimatay oo waxa ugu darani uu yahay keliya in ay noolaadaan. Dad sida aaladda uun u shaqeeya iyaga oo ka cabsi qaba hadba Bahalo malo-awaal ah oo ‘Walaalka Weyn’ iyo saaxiibbadii u soo allifeen si aan iyaga loogu jeedsan.

Qaar badan ayaa lagu adoomiyaan dhaqaale iyo shaqooyin ay ka helaan dakhali faroguudkii ah oo noloshoodaba aan dhamaystiri karayn, kuwo kale Wasaaradda RUNTA ayaa ku qancisa in nabadda ay haystaan ay ka muhiimsan tahay noloshooda oo dhan, sidaa awgeed wax kasta oo kale ha waayaan ee aanay is-dhaqaajin inta ay nabad haystaan.

Masraxiyaddan oo abuuraysa dareen qofka damiirka leh ku dhiirrigelinaya in uu garaadkiisa ka shaqeeyo oo ruux isbeddel doon gasho ayaa markii ay soo baxdayba waxaa laga mamnuucay dalal badan oo dunida ah, oo ka baqay in dadkoodu ay fahmaan runta taalla.

George Orwell waxa uu saadaal ka bixinayey mustaqbal madow oo nidaamka siyaasiga ah iyo dawladnimada duinida ku soo fool lahaa, kaas oo maanta xaqiiqo ah, qof kastaana indhihiisa ku arkayo. Waxa aad mooddaa in uu sii arkayey nidaamka siyaasadeed ee dunida maanta guud ahaan iyo gaar ahaan dunida saddexaad ka jira, haddii aad qisada oo dhan si dheer u sii dhuuxdana waxa aad mararka qaar moodaysaa in ay ka turjumayso xaalka uu nidaamka siyaasiga ah ee Somaliland ku shaqeeyo maanta.

Haddii George Orwell uu ka digayey caddaaladdii bulsho oo lunta iyo xukunkii oo noqda mid dad yar oo xul isu arkaa ay gacanta ku hayaan, dadkii kale oo dhanna ka dhigeen maan-laawayaal aan fahmi karin siyaasadda dunida iyo sida qaran loo maamulo, maanta ayaa ay horteenna taallaa taasi.

Goormaad xasuusataa masraxiyadda 1984:

– Marka aad aragto masuuliyiinta qarankaaga hoggaamiya oo waqti, dadaal iyo dhaqaale gelinaya arrimo aan qaranka oo dadka iyo dalka ah waxba ku soo kordhinayn balse iyaga uun shaashadaha talefishannada soo gelinaya waxa aad garanaysaa in Orwell uu dalkaaga ka hadlayey.

– Marka aad aragto masuuliyiin qaran oo inta ay u baxaan safarro lagu kharash garaynayo hantidii umadda, la soo noqda sawirro ay badankooda iyagu iska soo qaadeen oo ay kula jiraan masuuliyiin iyo shisheeye aan xilalkooda la aqoon, ama aanay waxba ka wada hadal ee sawir uun la galeen, kadibna ku faanayaan in ay guulo aanay weligood macnayn soo gaadheen. Waxa aad xasuusanaysaa masraxiyadda George Orwell

– Marka aad aragto hoggaamiye Qaran oo masuuliyiinta ku xeerani ka dhigayaan in uu yahay halyeey, keligii qummane ah oo waxa kasta oo laga sugayey dadkiisa u qabtay, isaguna uu tahli waayo in uu hoos ugu soo dhaadhaco runta shaaraca taalla si uu u hubiyo waxa ka jira warbixinaha quruxda badan ee loo keeno, waxa aad xasuusanaysaa masraxiyaddaii George Orwell lakabyadii kala sarreeyey ee uu u qaybiyey dadka ku xeeran.

– Marka aad aragto masuul xil u haya ummad inteeda badan baahi halkii ugu hoosaysay joogto, oo inta uu xoolahoodii ka hodmo, haddana meel kasta kaga sheekaynaya in dalku barwaaqo iyo horumar gaadhay, dadkiina nimco durduuranayaan, waxa aad xasuusanaysaa George Orwell.

– Marka aad aragto warbaahin qaran oo baahinteeda ugu muhiisani tahay warar aan bulshada u samaynayn nuxur ka badan in dadku ay xidhaan muraayad cagaaran oo wax kasta oo fool xun ay u arkaan qurux iyo wanaag hoggaamiyuhu soo kordhiyey ayaa aad xasuusanaysaa hab-dhaqanka ‘Walaalka Weyn’ ee Orwell ka sheekeeyey.

– Dhan wal oo aad ka eegto nidaamka siyaasiga ah iyo hab-maamul ee xukuumadda kuu arrimisa waxa aad ku xasuusanaysaa masraxiyadda George Orwell.

– Marka aad aragto miisaaniyad qaran oo sannad kasta sii kordhaysa, ee haddana aad ogaato in dakhligeedu yahay uun cashuur intii baahnayd lagu sii kordhiyey, wax horumarin ahna noloshiisa aan lagu samaynayn ee saldhiggeedu uu yahay, ‘Ka baahan ka qaad oo jeebka ka ladan ku rid’ waxa aad garanaysaa in Masraxiyadda George Orwell mudan tahay in aad dib u akhrido oo ku qiyaasto waxa ina hor yaalla ee runta ah. Dhammaad