Ruushka Iyo Turkiga: Saaxiibo Aan Dhaqaale Ahaan Kala Maarmin

0
867

Russian-President-Vladmir-Putin-and-Turkish-President-Recep-Tayyip-Erdogan-1024x740Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Hadalo kul-kulul ayay is dhaafsanayaan madaxda Ruushka iyo Turkigu ka dib diyaaradii Ruushka ee uu Turkigu soo riday salaasadii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Turkiga Vladimir Putin ayaa riditaanka diyaaradiisa ku tilmaamay mindi dhabarka lagaga dhuftay taas oo uu sheegay inay taageere u tahay argagixisada. Hase yeeshee dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogon ayaa hadalka hoggaamiyaha Moosko ku tilmaamay khalad aad u weyn.

Hase yeeshee marka laga tago hadalada ad-adag ee ay hawada isu marinayaan; Ruushka iyo Turkiga ayaa ah laba waddan oo aanu midna midka kale ka maarmi karin, waxaanay leeyihiin xidhiidh ganacsi oo sannadihii u dambeeyay aad u xoogaystay, iyadoo uu Ruushku bilaabay inuu ku hanjabo aar-goosi dhaqaale oo uu ku qaado dalka Turkiga ka dib riditaanka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga oo u muuqda inuu doonayo in xiisada ka dhalatay diyaaradda uu soo riday si qaboow loogu dejiyo wada hadal diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkigu ka qaban waayay telefoonka islamarkaana aanu ku soo celin.

Ruushka ayaa ah wadan aan saaxiibo badan ku lahayn saaxada dunida, waxaanu Turkigu yahay mid ka mid ah wadamada tirada yar ee ay xidhiidhkooda isku haleeyeen. Turkiga ayaan marna ka mid noqon Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Yurub ee cunqabtaynta saaray Ruushka, ka dib eedihii Ruushka loogu jeediyay inuu ka dambeeyay qalalaasaha Yukrayn, waxaanu Turkigu qoondeeyay inuu aad u kordhiyo xidhiidhka dhaqaale ee uu la leeyahay Turkiga marka la gaadho sanadka 2020. Laakiin xiisadaha u muuqda inay sare u socdaan ee u dhexeeya labada dal ayaa laga yaabaa inay dhaawacaan doonista Turkiga.

Ruushka ayaa khamiistii sheegay inuu adkaynayo oo il gaar ah lagu eegi doono cunooyinka dalkiisa uga yimaada Turkiga.

Ruushka ayaa geesta kale wuxuu yahay wadanka labaad ee ugu badan dalxiisayaasha booqda wadanka Turkiga. Sannadkii 2014 waxa dalka Turkiga booqday dalxiisayaal lagu qiyaasay 4.5 milyan ruux, waxaanay 12% ka mid ah dadkaasi ahaayeen dadka Ruushka, waxaanay noqonayaan Raashiyiiintu wadanka labaad ee ugu dalxiisayaasha badan dadka booqda Turkiga, halka uu dalka koowaad yahay Jarmalka. Waxaanu madaxweyne Putin kula taliyay dadkiisa inaanay booqan dalka Turkiga ka dib soo riditaankii diyaaradaas, iyadoo hay’adda Ruushka u qaabilsan dalxiiska lagu amray inay joojiyaan safarada Turkiga.

Markase laga tago dagaalada dhaqaale iyo siyaasadeed labadan dal ayaa ah kuwo aan sinaba u kala maarmi karin, maadaama oo ay labadooduba ka soo doogayaan dhaqaale xumo ku habsatay.

Dhaqaalaha Ruushka ayaa waxa dhaawacay cunaqayntii ay reer galbeedku ku soo rogeen, waxaanay hay’adda IMF aaminsantahay in dhaqaalaha Ruushku uu hoos u dhacayo sannadkan sii dhammaanaya iyo sannadka soo socda ee 2016. Sidoo kale Turkiga laftiisa ayay dhibaato dhaqaale haysataa. Dhawr bilood oo uu ku jiray qalalaase siyaasadeed iyo doorashadii bishii June ayaa sababtay hoos u dhac dhaqaale. IMF ayaa aaminsan in dhaqaalaha Turkigu hoos uga dhacayo xawaarihii uu ku socday sannadihii 2010 iyo 2011.

Si kastaba ha ahaate labadan wadan oo ay madax ka yihiin laba nin oo si’ marka la eego ah laba nin oo hadalo qal-qalafsan, ayaanu midna midka kale ka maarmi karin, waxaanay labadooduba yihiin laba wadan oo ay dalalka kale ee reer galbeedku si gaar ah u eegaan. Doorashadii u dambaysay ee Turkiga waxa ay reer galbeedku ku sheegeen mid xor ahayd balse aan xalaal ahayn, halka doorashadii Ruushkana ay ku tilmaameen mid aan xor iyo xalaal ahayn.