Halista Kulan Ka Dhacaya Muqdisho Oo Lagu Casuumay Ururo Somaliland Iyo Somaliya Ah Iyo Arrimaha Laga Hadlayo

0
622

muqdihsoHargeysa(Geeska)- Ururka Difaacayaasha Xuquqal Insaanka Bariga iyo Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project) ee fadhgiisu yahay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa ku casuumay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo kuwa Somaliya inay isugu yimaadan kulan ka hor maalinta xuquuqal insaanka aduunka oo ku beegan 10ka December.

Sida ku cad qoraallo uu wargeyska Geeska Africa helaay, waxa kulanka loo qabanayaa ururo ay ka mid yihiin kuwo maxalli ah oo reer Somaliland ah. Kulanka waxa lagu qabanayaa 6 da ilaa 8da December Jazeera Royal Palace Hotel oo ku yaaal Muqdisho ee dalka Somaliya.  Waxaana la casuumay ururo ka dhisan magaalada Hargeysa, inkastoo ay qaarkood qaadaceen.

Ururka martiqaadka fidiyay oo uu madax u yahay nin la yidhaahdo Xasan Shire Sheekh oo reer Somaliya ahi wuxuu bishiii August sanadkan ku qabtay Hargeysa shir aan dawladdu ka warqabin oo lagu sameeyey gudi ka kooban 15 xubnood oo afar ka mid ah ay yihiin reer Somaliland. Gudidaas oo madax u noqonaysa Is-bahaysiga Difacayaasha Xuquuqal Insaanka Somaliland iyo Somaliya.  Tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taagga waa markii u horaysay ee ay urur ku wada midoobaan ururo reer Somaliland ah iyo kuwo Somaliya ah.

Ujeedada kulanka bishan soo socota dhacaya waxa lagu sheegay sida ku cad dhokumeniyada ka soo baxay ururka shirka qabanaya in lagu xoojiyo is-dhexgalka iyo midaynta ururada bulshada rayidka ah.

  Shirkan oo aan hore loo arag mid noociisa oo kale ah, waxa uu waxyeello wayn u gaysan karaa madaxbanaanida Somaliland.

  Qoraalka casuumadda ah ee loo diray qaar ka mid ah ururada Somaliland ee lagu casumay inay shirka ka soo qaygalaan waxa cinwaan looga dhigay: “Helidda Fagaare: Agabka Farsamo ee Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka Somalia.”

 Ujeedada shirka waxa qoraaladda rasmiga ah ee ka soo baxay ururka Ururka Difaacayaasha Xuquqal Insaanka Bariga iyo Geeska Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project) ay sheegayaan inay tahay abuurista iskaashi iyo wada shaqayn dhex marta bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Somalia.

 Waxa yoolka guud ee kulanka qoraalku ku tilmamaay “in yoolka kulanku yahay si uu u siiyo fagaare dadka Soomaaliyeed ee u dooda xuquuqal insaanka si loo dhiso awooda ay u leeyihin inay isticmaalaan oo ay dhexgalaan hababka xuquuqal insaank ee heer gobol iyo caalami, u abuuro shabakad iyio inay wadaagaan khibrado iyo xogo ku saabsan dhaqanamad wanaagsan.”