Runtu ma hadashaa, hadday hadasho se, ma sheegta tan dabaylaha isbeddelku wadaan''. (Sidaas waxaa laga soo xigtey Jean-jacub Rousu,1712-1778, ninkan oo fekerkiisa siyaasadeed iyo falsafadeed saamayn weyn ku la hayd kacaankii Faransiscka iyo casriyeenta Qaarada Europe). Haddii aan taariikh-yahan ahaan lahaa waxaan qorshahan dhismaha waddada iyo tareenka isku xidhi doona Berbera iyo Addis Ababa, ka dibna kampla ila Juba (South Sudan) u bixin lahaa Isbddelka taariikheed ee Geeska Africa qarniga 21aad. Kaas oo ka beddelaya Geeska Africa min dagaalo iyo colaado joogto ah ila nabad iyo wax wada-qabsi. Min qarnigii 16 ila maanta waxaa dadyawgan Geeska Africa laga dhex wadey dagaalo ummulo-dooxa oo badiba ku dhisnaa aragti diimeed iyo mid qawmiyadeed. Adduun-aragaas ka dambeeyey dagallada ayaa si kooban oo macanggagnima ah wax u arakaysey. Haddaba, Sida ugu kooban waxna looga fahami karo aan isku dayo inaan si kor ka xaadis ah u abaaro, labadan qaybood, oo kala ah, isbeddelka Colaadaha iyo nabadda iyo saamayntooda horumarka iyo casriyeenta:
1) Dagaalladii Ila iyo qarnigii 16aad ka socdey geeskan Africa waxaa ugu caansanaa dagaalkii uu gadh-wadeenka ka ahaa ninkii ku caan baxay Axmed Gurey ama Axmedkii Grranaa. Ninkan oo dhalasho ahaan lagu muransan yahay qawmiyada uu ka soo jeedo, ayaan markii aan mgagaalada Harar tegeye ee aan booqday gurigii uu wax ka xukumi jirey (oo hadda ah Harar Museum) waxaan ku arkay taariikhdiisii iyo meesha uu ka soo jeedo ila iyo 21 isrkiisa oo Af Carabi ku qoran, waxyna caddaynayaan in uu ka soo jeedo Qaarradda Asia, gaar ahaan, dalaka carabta, marka laga eego magacydiisa taxan ah oo ah magacyo Carbeed.
Dagaalladii werarka iyo weerar cilinta ahaa ee Axmed Gurey gadh-wadeenka ka ahaa waxay ahaayeen kuwo burbur, dil, iyo bara-kac aan xad layhayn geestey, mana hayan kuwo ku kooban Geeska Africa oo kelya ee waxay ahaayeen dagaalo diimeed caalami ah oo Muslimka iyo Kirstanku ku herddamayeen. Burburka ay keeneen dagaallada Axmed Gurey, oo Somalidu tiro ahaan wax yar oo kooban uu ka ahyd, waxuu ahaa mid aan la soo koobi karin, kuwaas oo reebay eedo iyo aafooyin badan oo lama illaawaan ah. Misaal ahaan, waxaa lagu gubay Lix boqol oo Kiniisadood.
Ugu dambaystiina markii Muslimka iyo Kiristanku isku barbar dheceen oo isla basbeelen ayaa Oromadu dagaalo cusub ku bilaabeen oo labadii qoloba jebiyeen. Dagaalkii kale ee ugu caansanaa uguna wax yeellada badnaa waxuu ahaa kii 1977-8. Oo lahaa laba dhinac ama laba midab, Mid waxuu ahaa kii M. S. Barre ku doonayey in uu ku burburiyo ciidankii Somaliyeed oo tiro iyo tayo ahaanba batay. Markii uu ogaadey in qaar ka mid ahi Inqilaab hoosta ka wadaan ayuu goostay in uu Dagaal ku mashquuliyo. Dhinac kalana waxuu ahaa saamayntii dagaalkii qaboobaa. Waqtigaas oo Siyad Barre rabay in uu uga faaiidaysto saddex dhinac, midi ahayd in uu Carabta lacag badan kaga helo, reer galbeedkana kaga helo hub marka uu Ruusha eryo. Dhinaca saddexaadna waxu ahaa in uu dadweynaha Somalida oo markaas aad ugu kacsanaa ku beer-laxawsado, una tuso in uu dalkii ''Somali-galbeed,, la odhan jirey baan xoraynayaa. Dalkaas Somali galbeed, oo maanta si buuxda xorriyadiisa u haysta kuna badhaadhay isbeddleka Itoobiya ku dhacay.
Isbeddelka Itoobiya iyo Somaliland ku dhacay: Itoobiya waxay ahaan jirtey dawlad ku dhisan diin iyo nidaamka dhuloosiga ee ''goray ka hadaafay'' (Feudalism) kaas oo ku nool qarniyadii madooba (Dark ages). Qasriga Boqortooyada iyo Kiniisadda iyo dabaqadda dhulgoosiga ayaa dadka intiisa kale addoonsan jirey. Arrinkaasi waxuu, si qoto dheer leh, isu beddelay 1991, markii Jabhadii midowday ee EPRDF ay xukunka dalk la wareegtey. Fekerka isbeddelka ee casriyeenta iyo wax-qabadka ayaa wada socdey oo isku lamaana. Msaal ahaan, aniga iyo marxuum abwaan Abdi Maxamed Amiin, iyo nin kale oo la odhan jirey Maxamed Qoslaayey, ayaa waxaanu u taganay, si fiicana noo qaabilay gudoomihii barlamaankii Itoobiya ee waqtisgaas, David Yuhanes, kulankaas waxaa noo fududeeyey Dr. Abdilmajiid Xuseen, oo ahaa ragga ka dambeeya Isbeddelka Itoobiya, asal ahaana ka soo jeeda qawmiyada Somalida. David Yahanes, sidii aanu wax kale uga sugeyneye axuu nagu yidhi ''annaga waxaa nagu dhacay nasiib darro, Mohamed Siyaad Barre oo dhacay, iyo Midowgii Sofyeedka oo burburay, hadda si aah wax yeeloba ma garanayno''. Markaas baan aniga oo yaabsan ku idhi ''tan dambe waan garanay laakiin tan hore waanu la yaabnaye maxay tahay'', markaas buu ''yidhi ha la yaabina, annagaa asaga wax ka beddeli lahayn, oo bari lahayn in dagaalladii Geeskan Africa qarniyo badan ka socdey in lagu beddelo nabad, iskaashi iyo is dhexgal''.
Haddaba, maxaa dhinaca Somaliland iska beddelay, maxaase ka soo kordhay xagga waayo-aragtida Aduunka?. Dhanka Somaliland waxa iska beddelay wax weyn teeriyo May 1991. Waxaana lagu soo koobi kara sidan, dhismaha Nabadda iyo dawladnimada oo ku dhisan laba nidaam siyaasadeed; dhaqnkii Somalida ee Geedka hoostiisa, Garrnaqsiga iyo dibu-heshiinta. Iyo nidamka dimoqraadiyada reer galbeedka ee xibyada badan. Dib-udhiska iyo horumarka Somaliland waxa suuragal ka dhigay waa aaminaadda nafteeda iyo dhaqaaleheeda, isku hallayn shisheeyana dhinac iska dhigtay. Sidaas darteedna awoodday in ay 23 sano soo taagnaato, ayada go'odoomin iyo colaado hareeraha kaga socdaan; oo haddana awoodday adkays, isku tashi dibu-heshiisnimo, sidaana uga badbaaday fara gelin shisheeyey. Taas waxaa hadda sii xoojiyey oo qiimaha wayo-aragtideedu muujisay dareenka ku aaddan dhibaatada hadda ka taagan dalalka Ciraaq, Afghanstan, Somalia, oo ahaa dalalkii debedda laga soo fara geliyey oo waa-aragti cusubi ka Soo kordhieyey. Taasi oo ah in aanay guulaysan karin dawlad debedda laga soo waaridaa, dawld aanu dadkeedu dhisan una madaxbanaanayn, lacag badan iyo ciidamo shesheena aanay waddana dawlad u dhiskarin. Waayo-argtidan oo hadda u muuqatay dhammaan aduunka oo dhan, oo sidii laga yeelilahaa hadda lagu wareersan yahay. Haddaba, maxaa xukuumadda, Shacabka iyo mucaaradka Somaliland la gudboon in ay ogaadaan hootana ka xarriiqaan arrimahan soo socda:- Xukuumadda, ''Owrka dambe kan hore uu socodkiisaleehay''; Mucaaradka, '' haddaan la kala roonaan roob ma da'ow''; Guurtida, ''Go'aankii la wada raaci jirey gocanayeey weeye''; shacabka, mucaardnimo waa jidka dimqoraadiyada, gcan ka hadal se, waa fawdad iyo burbur. Markani se waa markii dhaqanka geedka, gurrta iyo Guurtida. La soco
adamjibril@hotmail.com