“Ma Jirto Sabab Aan Raaligelin Uga Bixiyo Hadalkayga”

0
611

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa diiday in uu raali gelin ka bixiyo eedeyn dhowaan uu u jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo ahaa in la laaluushayo si ay u ridaan raysalwasaaraha Somaliya.

Mr Kay oo wareysi siinayay BBC-da ayaa la waydiiyey baaq dhowaan kasoo baxay mudaneyaasha Baarlamaanka oo ay kaga codsanayeen in uu raali gelin ka bixiyo eedeyn uu u jeediyey.

Eedeynta ayaa ku saabsanayd in xildhibaano ay codkooda iibsanayaan taas oo la  xidhiidha mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo laga soo abaabulay madaxtooyada. “Uma maleynaayo arrin raali gelin laga bixiyo sababto ah warbixinta aan walaaca ku muujinaayo waa mid dad badan ay ila qabaan,’’ ayuu yidhi.

Dhinaca kale wuxuu mar kale ugu baaqay madaxda Dowladda Somaliya in ay xal-u-helaan khilaafkooda.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay hay'adaha dowladda Soomaaliya ee sida barlamaanka, madaxtooyada iyo xafiiska Ra'iisul Wasaraaha ay tahay in ay raadiyaan xalka ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda.