Faysal Oo U Jawaabay Xildhibaan Dheeg, Guurtidana Uga Digay Muddo Kordhin

0
630

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu sheegay in xildhibaan Dheeg oo golaha guurtida ka tirsani ku soo hadal qaaday, oo ah in Faysal sheegay in muddo kordhin loo samayn doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, marka uu wakhtigu ka dhammaado.

Faysal, oo isagoo jooga magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta, xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu golaha guurtida uga digay inay muddo kordhin sameeyaan, isagoo xusay inay halisi ka dhalan karto, “Waxaan ka xumahay in xildhibaan Dheeg uu iga sheegayo waxaanan ku hadlin anuu marna maan odhan muddo kordhin ayaa la samaynayaa, anigu waxaan idhi wakhtigii doorashada la qaban lahaa diyaar ma aha imkaaniyaadkii ayaan ka hadlayay, markaas waxa loo baahanyahay in la sameeyo jawdal lagu shaqeeyo.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu isagoo guurtida la hadlaya uu yidhi  “Waxaan uga digayaa guurtida, horena uga digay inay muddo iska kordhiyaan, taasi waxay keenaysaa qas, guurtida waxaan u malaynayaa inaan umaddu ka yeeli doonin oo aanay suuqa mari kari doonin haddii ay muddo kordhin sameeyaan.”

Isagoo la sii hadlaya xildhibaan Dheeg, wuxuu yidhi “Xildhibaan Dheeg  sannadkii 2009 isaga iyo xildhibaan Yaasir, waxay lahaayeen laba sanno Rayaale haloo kordhiyo, markaas waxaan leeyahay inuu aniga waxaanan odhan magacayga ku sheego waa khalad, Salaxlayna magacayga ayuu ka sheegay waanan ka xumahay ninkaas oo aanaan weligayo isku mabda’ noqonin inuu magacyaga isticmaalo.”