Runtii Ma Aqaan Sannadkaan Dhashay, Laakiin Si Dhaba Ayaan Da’dayda U Garanayaa

0
4495

Xaaji-Cabdi-waraabeLondon, (Geeska/BBC World)- Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) ayaa ka mid noqday toddoba qof oo da’doodu lixdan ka weyn tahay oo aduunka daafahiisa ku nool oo wareysi laga qaaday tahniyado ugu   dirayey boqorada Ingiriiska. Kaas oo shalay laga sii daayay idaacadda BBC, qaybteeda dunida la hadasha. Xaaji Cabdikariim ayaa ah oday dhaqameed muxtarim ah oo ay bulshada Somaliland si weyn ugu qadariso kaalintii uu ka soo qaatay nabadayntii iyo walaalayntii beelaha Somaliland oo sabab u noqday dhismaha qaranka.

Xaaji Cabdi waraabe oo tahniyad ka timid aqalka odeyaasha Somaliland diray ayaa sheegay inuu noqday Caaqilka cuqaasha Somaliland 12 sannadood ka hor intii  aanay boqorada Ingiriisku xilkaa qaban, isla ,markaana uu si fiican u xusuusto maalintii la caleemo-saarayey.

Wareysigan oo Marry Harper la yeelatay Xaaji Cabdi waraabe, ayuu hadalkiisa ku bilaabay, “Magacaygu waa Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe), da’daydu waa 115, runtii ma aqaan sannadkaan dhashay, laakiin si dhab ah ayaan u garanayaa inaan da’daa ahay.”, waxaanu isagoo ka hadlaya caleemo saarkii Boqorada, waxa uu yidhi  “Waan xusuustaa caleemo-saarkii boqorada, iyo weliba markii aabaheed la caleemo saaray sannadkii 1937, oo adeerkay xafladaa u tegay London. Caleemo-saarkii boqorada dabaaldeg weyn ayaa lagu qabtay hargeysa, magaalada inteeda badnayd waa la xidhay, halkaa oo tahniyanado badan laga diray.

Xaaji Cabdi waraabe oo sheegay inuu socdaal ku tegay London laba xilli balse eaanu nasiib u yeelan inuu la kulmo boqorada ayaa sidoo kale wareysigiisa ku sheegay inuu caaqil noqday xilligii Somaliland ahayd maxmiyadii Ingiriiska, si dhowna ula shaqeyn jiray saraakiishii Ingiriiska muddo labaatan sannadood ah ilaa madaxbanaanidii 1960.

“Si weyn ayaan u jeclahay Ingiriiska, sababtoo ah waxay ka dhaliyeen xasilooni dalkayaga, hore qabaa’ilku way dagaalami jireen, way is-dili jireen, laakiin Ingiriiska ayaa gebi ahaanba joojiyey.  Dhab ahaan, awoodii caaqilnimadaydu isma bedelin madaxbanaanidii ka dib, maxaa yeelay Siyaasiyiintii Ingiriiska iyo Soomaalida labaduba wxay I weydiisan jireen tallo.” Ayuu yidhi Xaajigu.

Xaaji  Cabdi waraabe ayaa sheegay inuu ku dhashay Hargeysa duleedkeeda koonfureed, agagaarka madaarka Hargeysa, oo kayn ahaa, isla markaana uu reer miyi ahaa ilaa maalintuu dhashay, isla markaana uu caaqil ahaa in ka badan 70 sannadood, laga soo bilaabo sannadadkii 1940-kii, “waxaan ahay caaqilka cuqaasha iyo odeyga odeyaasha, ninka ugu horeeyey madax dhaqameed gebi ahaanba geyiga Somaliland, naanaystaydu waa waraabe.” Ayuu yidhi Xaajigu, waxaanu ku daray “Noloshii miyiga si weyn ayey isu bedeshay ayaa sheegay xaaji cabdi waraabe, immika, tuulooyin, wadooyin iyo gawaadhi ayaa wax walba bedelay. Dadkii ayaa dhalanrogay dabeecadii isla markaana wada gooyey dhirtii iyagoo u adeegsaday dhuxul.”

Cabdi waraabe, ayaa sheegay inaanu weligii iska casili doonin xilka odeyga odeyaasha, doonayana inaanu sii wado intuu awoodo o maskaxdiisu shaqeynayso. Dadku weli way I xushmeeyaan, aniguna waan xurmeeyaa.

Xaaji cabdi waraabe ayaa ka codsaday inay tahniyadooda ka timi aqalka odeyaasha Somaliland gaadhsiiso Boqorada.