Rumayso Ama Ha Rumaysan! Faaliye 30 Maalmood Ka Hor Dhammaadka Koobka Adduunka Sii Saadaaliyey Dhaawacii Neymar Iyo Guushii Weynayd Ee Jarmalka

0
971

Picture6Brasilia (Geeska)- “Faaliye waa been sheege, xataa haddii uu run sheegayo” Waxaa laga yaabaa in ereygani uu yahay kan ugu haboon ee lagu faallayn karo hadalka uu xiddigiye reer Brazil ahi muddo bil ah ka hor dhammaadkii koobkii adduunka ee Brazil 2014 ku saadaaliyey in dalkiisu uu ciyaarahaa kala kulmi doono guul darro aad u fool xun oo weliba jarmalku uu u geysto iyo sidoo kale in la dhaawaci doono ciyaaryahanka afka hore uga ciyaara kooxda Barcelona ciyaaraha La Liga iyo xulka Qaranka Brazil ee Neymar iyo weliba arrimo kale oo badan.

Bar-kulannada kala duwan ee internet ka ay ku haasaawaan bulshada xiisaysa ciyaaraha kubadda cagta ayaa muddooyinkii u dambeeyey lagu baahinayey sawirka xiddigiyaha caanka ah ee Carlinhos Vidente oo u dhashay reer Brazil isaga oo waraysi 13kii Bishii Lixaad uu siiyey Talefishanka Brazil k

Picture7

u sheegaya in xulka Qaranka Brazil aanu gaadhi doonin ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka iyo in xiddigga koowaad ee xulka qaranka Brazil Neymar uu ku qabsanaan doono in uu dhaawac kaga hadho ciyaaraha koobka adduunka oo aanu dhamaysan doonin. Waraysigan oo ahaa maalin ka dib guushii ciyaartii furitaanka ay Brazil 1-0 kaga badisay Croatia ayaa uu ku yidhi, “Haddii ay Brazil isku soo beegmaan Jarmalka, goolal ma dhalin doonto, balse goolasha jarmalka ayaa iskaga daba qul-quli doona shabaga Brazil” isaga oo intaas ku sii daray in koobka adduunka ee sannadkani uu dhex yaallo xulalka Netherlands, Jarmalka iyo Argentina isaga oo weliba si gaar ah hoosta uga xariiqay xulka dalka Jarmalka oo uu ku andacooday in uu yahay kan ugu dhow in uu qaado koobka. Xilligaas oo ay dadka reer Brazil aad ugu rajo weynaayeen in ay koobka qaadi doonaan ayaan wax badan laga soo qaadin hadallada faaliyahan, laakiin markii wax badan oo uu yidhi la arkay ayaa ay dadku bilaabeen in ay dib u dhegeystaan, kana faalloodaan.