Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Beenisay War Ay Baahisay Rugta Ganacsiga Ee Dalka Somaliya

0
523

Hargeysa:(Geeska)-Rugta Ganacsiga, Warshedaha  iyo Beeraha Somaliland, ayaa beenisay war kasoo yeedhay rugta dhiggeeda ah ee Somaliya, kaas oo sheegayey in labada rugood uu heshiis dhawaan  Hargeysa ku dhexmaray.

Xoghayaha guud ee rugta Ganacsiga Somaliland Md Ibrahim Ismaaciil Cilmi oo war qoraal ah  arrintan kaga jawaabay, ayaa sheegay inaanu  jirin wax heshiis ah oo la galeen dhiggooda somalia, isla-markaana wararka arrimahaas ka hadlay ay yihiin qaar been abuur ah.

qoraalka kasoo baxay Rugta Ganacsiga,Wershadaha iyo Beeraha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee Rugtaas Md Ibraahim, ayaa u dhignaa sidatan: “anigoo ah xoghayaha guud ee rugta Ganacsiga Somaliland, waxana halkan ka caddaynayaa in warka kasoo yeedhay xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somalia uu yahay war aan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn wax heshiis ah oo na dhex marayna aanu jirin.

sidaa daraadeed waxa lala socodsiinayaa dhammaan warbaahinta Somaliland in xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland uu beeninayo warkii ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Somalia ee ku saabsanaa in rugaha ganacsiga ee labada dal ay heshiis ku gaadheen magaalada Hargeysa uu been abuur cad ahaa loogana digayo cidkasta wararka noocaan ee male awoolka ah.”