Laba Xildhibaan Oo Ka Hadlay, Weedho Uu Guddoomiyaha Guurtidu Kaga Hadlay Khilaafka UCID

0
519

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo ah mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii uu ka yidhi  Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan khilaafka Xisbiga UCID, ee ahaa in aanu ka hadlaynin khilaafkan, waxayna sheegeen in hadalkaasi uu ahaa mid aan magaca iyo sumcada Guddoomiyaha u wacnayn.

1

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo aanu wax ka weydinay sida uu arko hadalka Guddoomiyaha Guurtida ayaa yidhi "Hadalkaas Guddoomiyaha Guurtidu uu ku hadlay, sharaftiisa iyo sumcadiisa dhaawac weyn ayey ku tahay, waxa uu huwan yahay magacii Guurtida, UCID iyo Kulmiye waa laba Xisbi oo siman,khilaafkii Kulmiye wuu galay, xitaa heer ayuu gaadhay uu Guddi u saaro, markaas inuu Guddi u saaro khilaafka Kulmiye UCID-na uu ka aamuso, markaas Golaha Guurtida oo sharaf iyo maamus naga mudan, waxa aan leeyahay Guddoomiye Saleebaan magaciina ayuu sitaa, ee ka hadla oo wax ka weydiiya sababta uu khilaafka Kulmiyena uu u galay UCID-na uu uga aamusay.

Dhanka kale Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe waxa aan u soo jeedinayaa inay heshiyaan, oo haddii uu Faysal khaldan yahayna uu khaladkiisa qaato, haddii uu Jamaal khaldan yahayna uu khaladkiisa qaato, khilaafka iyo in la is qabsadaana wakhtigan ma haboona".

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa isna  yidhi "Somaliland wey aragtaa sida uu u hadlay Guddoomiyaha Guurtidu, sida uu u xaliyey khilaafkii Kulmiye iyo halka uu ka istaagay khilaafka UCID,waxa uu u khayr roonayd inuu galo xalinta  khilaafka ama inuu ka aamuso,  Odayaasha Guurtidana waxa aan leeyahay Guddoomiye Saleebaan waxa uu idin guddoomiya kal-fadhiyada, ee khilaafkan gala, oo doorkiin Guurtinimo ka qaata,oo inta uu khilaafkani dhaw yahay isku daya inaad Guurtinimo ku xalisaan, aniga oo ah Xildhibaan ka tirsan Xisbiga UCID, Madaxda Xisbiga UCID waxa aan leeyahay Guddoomiyihii Guurtida Saleebaan waad aragtaan halka uu Xisbiga ka istaagay ee dib iskugu soo noqda, oo heshiiya."