Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Sababta Dib U Dhaca Socdaalkii Weftiga Madaxweynaha Ee Dalka Shiinaha

1
677

 

 

xaajia xmedHargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay sababta hakisay socdaalkii uu Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa ku tagayeen dalka Shiinaha, iyado madaxtooyadu sheegtay in Madaxweynaha iyo weftigiisu xalay ka dhoofayeen  dalka Itoobiya.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in Madaxweynaha iyo weftigiisu saqdii dhexe ee xalay ay ka dhoofayeen madaarka Addis Ababa iyagoo ku sii jeeda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Afhayeenka Madaxtoyadu wuxuu dib u dhaca safarka Madaxweynaha ku tilmaamay mid ka dhalatay diyaaradii weftiga ku habeen dhixisay magaalada Diridhaba.

Warsaxaafadeedkaas madaxtooyada ka soo baxay ayaa isagoo dhammaystiran sidan u qornaa,  “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hogaaminaayo ayaa caawa Saqda dhexe [xalay] ka duulaya Magaalada Addis-ababaee Dalka Ethiopiaiyaga oo u sii jeeda Magaalo Madaxda Wadanka Shiinaha.

 Safiirka Wadanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis-ababa  ee Ethiopia Mr. NormanLing, British Ambassador ayaa isaguna waxa uu ku soo booqday madaxweynaha iyo weftigiisa Hotel-ka uu degan yahay ee Addis-ababa, waxaanay Safiirka iyo Madaxweynuhu  kulankaa kaga wadahadleen Arrimo Muhiim u ah xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada wadan ee iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo dhaqaalaha.

 Sidoo kale wasiirka arrimaha debada ee Somaliland mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saaka [shalay] kulan la yeeshay wasiiru dawlaha  Arrimaha debeda ee wadanka Ethiopia kulankaas oo daba socday  kulamadii ay wasaarada arrimaha debedu la yeelatay weftiga Somaliland ee ku sugan Addis ababa.

 

Kulankan waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen meel-marinta qodobadii ay   labada dhinac hore isugu afgarteen  ee dhinacyada nabad-gelyada, ganacsiga iyo isu socodka labada shacbi ee labada wadan.

 Weftiga madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay hore u qorshaysnayd in ay habeen hore [Habeen saddexaad] ka duulaan Addis Ababa ayaa dib u dhac maalin ah oo ku yimid safarka madaxweynuhu uu caawa [xalay] ugu kicitimayo wadanka shiinaha; waxa uu ku xidhiidhsan yahay dib u dhicii hore ee ay sababtay diyaaradii uu madaxweynuhu ka raacay Hargeysa oo keentay in uu habeen ku dhaxo Madaxweynuhu dirir-dhaba taas oo sababtay in ay is riixaan balamihii uu madaxweynuhu la lahaa Masuuliyiinta iyo dawladaha uu kula kulmay Addis ababa.iyada oo ay kulamadaasi ahaayeen kuwo muhiimad weyn u leh danta dalka Somaliland oo aan la lumin Karin.”

Comments are closed.