Rikoodhada Cusub Ee Ku Soo Biiray Koobka Adduunka

0
566

Picture3Hargeysa (Geeska)- Tartanka Koobka adduunka ee Sannadkan waxaa lagu ammaanay in uu ahaa kii taariikhda Tartankii Koob adduun ee ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa, kadib markii Rikoodho muddo dheer xidhnaa la jabiyey.  Rikoodhadan xidhnaa lagu jabiyey Tartanka Koobka Adduunka ayaa waxa ka mid ah dhinaca Goolasha, Da’da iyo dhererka magacyada, haddii aynu si gaar ah u soo qaadano Shantii Ciyaaryahan ee jabiyey Rikoodhadan ee ugu cad cad Tartanka Koobka Adduunka

Waa Tartan koob adduun ee ugu  sameeynta badnaa dhinaca isgaadhsiinta bulshadu ku xidhiidho

Koobkan ayaa ahaa dhacdo warbaahin bulshadeed oo Twitter iyo Facebook ay dadku ku wadaagaan warbixinada, oo labaduba la diiwaangaliyay tiradii ugu badnayn ee laga qeyb qaato wax lasoo dhigay barahaas.

Lix iyo toban million iyo afar boqol oo kun oo fariin ayaa lagu diray twitter-ka markii Brazil ay rigoodhayaal kaga adkaadeen Xulka Chile, waxaa ku jiray 388,985 fariimood oo la diray daqiiqadii ugu dambeysay ee rigoodhayaasha, taasoo ka dhigaysa dhacdadii loogu fariin dirid badnaa ee taariikhda boggaga bulshada.

Facebook ayaa isaguna markii ugu horreysay martigaliyay isdhaafsi aaraa oo gaadhaysa ilaa hal billion, taasoo ah meeshii ugu sareysay oo uu Facebook gaadho taariikhda tobanka sano ah ee uu jiray.

Goolasha

Marka la eego goolasha, koobkan adduunka ayaa noqday abid goolkii ugu  badnaa, iyadoo 136 gool la dhaliyay ciyaarihii Group-yada.

Goolashaasi waxa ay lix gool dheer yihiin koobkii ka dhacay Koonfur Kuuriya iyo Japan sanadkii 2002-dii, oo horay u haystay rikoodhkaas.

Gool badnida way sii socotay oo gaadhay heerarka kala baxa, iyadoo goolkii madaxa ee uu Nigeria ka dhaliyay Paul Pogba uu goolasha ka dhashay tartanka uu gaadhsiiyay 146 – hal gool ayey dheer yihiin goolashii la dhaliyay guud ahaan Tartankii koobka adduunka ee ka dhacay Koonfur Africa sanadkii 2010-kii, oo ahaa kii ugu goolasha yaraa tan iyo markii Tartanka uu noqday mid ka kooban 64 kulan.

Gool-haye Mondragon oo ka jabiyey Rikoodh Milla

Colombia ayaa ku raaxaysanaysa natiijooyinka cayaarahoodii ugu fiicnaa ee abid ay koob adduun kaga soo qaybgalaan – waxay guulaysteen dhammaan afartii kulan ee ilaa hadda ay cayaareen oo ay gaadheen wareegga sideedda Xul markii ugu horaysay taariikhdooda.

Waxa kaloo u ciyaara Ciyaaryahanada ugu da’da weyn taariikhda koobka adduunka.

Goolhayahooda 43 jirka ah Faryd Mondragon ayaa booska ka qaaday Roger Milla oo sanadkii 1994-kii dhigay rikoodhka da’da markaas oo weeraryahanka reer Cameroon uu 42 jir ahaa.

Mondragon ayaa ku soo galay ciyaarta badal kulankii 4-1 ay Xulkiisu kaga badiyey Xulka Japan.

Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu tartan adag uu usafto Xulkiisa ilaa sanadkii 2005-tii.

Laga soo bilaabo Papastathopoulos ilaa laga gaadho Jo

Dalka Giriiga ayaa si naxdin leh ugu hadhay Rigoodhayaal ay kaga badiyeen Xulka Dalka Costa Rica, balse waxay Brazil kaga tageen iyadoo mid ka mid ah Ciyaaryahanadoodu uu noqday mid leh magacii ugu dheeraa ee qof gool dhaliya.

Ciyaaryahan Sokratis Papastathopoulos, ayaa rikoodhkaasi sameeyay kaddib markii uu dhaliyay gool uu xilli dambe ku barbareeyay xulka Costa Rica, goolkaas oo labada Xulba ku khasbay inay Sodob daqiiqo oo dambe sii Ciyaaraan.

Ciyaaryahankan oo kaliya maaha Ciyaaryahanada Rikoodhada jabiyey ee ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara xulka Brazil ee Jo ayaa noqday ciyaaryahanka ugu magaca gaaban ee ciyaara Ciyaaraha koobka adduunka.

Gyan cayaaryahanka ugu sareeya ee Africa

Ghana ayaa si niyadjab ah ugu hadhay wareegga Goup-yada balse cayaaryahankooda Asamoah Gyan waxaa uu noqday Ciyaaryahanka hogaamiya gool dhalinta Xulalka Africa ee ka qaybgalay taariikhda koobka adduunka.

Goolkii uu Gyan ka dhaliyay Xulka Portugal ee Ghana kaga badisay 2-1, ayaa waxa uu ka dhigay goolasha uu ka dhaliyay koobka adduunka lix gool.

laacibkan, ayaa horay u noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee ka socda Africa ee gool ka dhaliya saddex tartan oo koobka adduunka ah, kaddib markii uu gool dhaliyay ciyaarihii group-yada, ciyaar ay wada ciyaareen Xulka Jarmalka.

Goolka lixaad ee uu dhaliyayna waxa uu keenay in uu dhaafo ciyaaryahankii hore ee Africa ee Milla oo horay u haystay rikoodhka maadaama uu shan gool dhaliyay.