“Reer Sooloow, Gacmahaagaa Biyo Lagaga Dhergaa Ee Is-diwaangeliya oo kaadhadhka qaata..”

0
520

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed-wel Warsame Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Diiwaangelinta la filayo inay berri ka bilaabanto Gobollada Bariga Somaliland, gaar ahaan Gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanu ka xog warramay muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay.

Xildhibaan Maxamed-wali Warsame Cali oo laga soo doorto Gobolka Sool,  oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan Magaalada Laascanood, ayaa si gaar ah baaq ugu diray Shacabka Gobolkiisa, waxaanu ugu baaqay inay is muujiyaan, oo ay kaadhadhka qaataan, waxaanu farriin gaar ah u diray Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Labadii Gobol ee ugu dambeeyey ayaa diiwaangelintii laga bilaabayaa, munaasibaddii daah-furka ee diiwaangelinta Gobolka Soolna si fiican baa loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Wakiillada, Madaxda Axsaabta, Madaxda Qaranka, Masuuliyiinta Komishanka iyo wax-garadka Gobolka Sool, aniguna dabcan munaasibaddii goob-joog baan ahaa, markaas dadweynaha labada Gobolba waxaan u soo jeedinayaa inay is diwaangelinayaan…”.

Mar uu si gaar ah taallooyin ugu soo jeedinayey Shacabka reer Sool ayaa yidhi “Sacabkaaga  biyo lagaga dhergaa ee reer Sool, waxaan leeyahay gobanimada ay sameeyeen reer Widhi-widh idinkuna sameeya oo is muujiya, gacantiinana ku ciil baxa, hadba tirada aad leedahay ayaa wax lagugu qabtaa, ee hadada rabtaan in wax kasta la idiin qabto, waxaa muhiim ah marka hore inaad soo bandhitaan tiradiina oo aad qaataan kaadhka diiwaangelinta, Dawladduna mar kasta wax bay idiin qabsanaysaa, ee si wax walba la idinku qabto waa inaad codkiina iyo tiradiina muujisaan, Dawladduna waa inay mashariicaha horumarineed ee dalka ka fuliso, Gobolka Soolna ka fuliso….”

 

Geeska.net/Hargeisa Office