Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Laascaanood Ka Sheegay Inuu Ku Hamiyey Inuu Iscasilo

0
695

Laascaanood (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu dhowr jeer oo hore isku dayey inuu iska casilo xilka Xildhibaannimo ee Golaha Wakiillada.

Guddoomiye Baashe oo hadal ka jeediyey Magaalada Laascaanood oo lagu soo dhaweeyay, ayaa sheegay in muddada 15-ka sanadood ah ee uu ka mid ahaa Golaha Wakiillada uu ku jiray Ciil, maaddaama oo uu buu yidhi Hargeysa looga yaqaano in aanay Cod ku iman Kuraasta ee ay isxambaar ku yimaaddeen, Gobolka Sool-na looga yaqaano ‘Horgaleyaal cid kale u shaqeeya’.

Baashe Maxamed Faarax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “15 Sano ayaanu Baarlamaanka ugu jirnay, 15-kaana Ciil baanu ugu jirnay, dhowr jeer baan damcay inaan iskaga tago, Waayo? halkana (Sool) horgalayaal baa la nooga yaqaanaa u shaqeeya Dad kale, halkaa kalena waxa la naga yidhaahdaa cod malaha oo waa is xambaar, markaa bal annagu ku soo dhamaysanee kuwa dambe kuwo aan is xambaar ahayn oo aad soo doorataan oo aan ahayn sidii qoladii aad sheegi jirteen horta soo doorta.”

Baashe waxa kale oo uu sheegay “Waxaas oo dhami waxay ku xidhan yihiin kaadhadhka aad qaadataan, haddaad boqollaal tihiin iyo haddaad Malaayiin tihiin waxa la idinku xisaabin doonaa inta kaadh ee aad qaadataan. Magaalada Caynaba waa degmo ka mid ah Gobolka Sool iyo inteena kale ayaa isku cod noqotay, taasina wax inna dhaqi karaya maaha, dhulka haddaynaan ka guurayn waxaynu u baahan nahay codkeena..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office