Muuse Biixi Oo Sheegay In Murashaxnimada Xisbiga KULMIYE Loo Simanyahay

0
659

 

biixiHargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mj.Muuse Biixe Cabdi, ayaa si cad u sheegay in loo siman yahay tartanka cida musharax u noqn doonta xisbiga Kulmiye.

 

Mj.Muuse Biixi waxa uu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu isku soo taagi karo musaharxnimada doorashada danbe, waxaanu hadal caadiya ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga        Kulmiye.

Waxa uu sidan ku sheegay Muuse Biixi mar uu shalay waraysi gaar ah siiyay tilifishanka HCTV, waxaana la waydiiyay bal sida uu u arko hadalkii dhawaan uu warbaahinta mariyay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye “ Qofku rayigiisa waa uu dhiiban karaa, xisbiga Kulmiyena waa xisbi weyn oo dad badan ka dhaxeeya  shirkiisiina waa uu soo dhaw yahay, dabcan waa in aad looga faaloodaa haday tahay jaraa’idada,shabakadaha,mafrashyada iyo dhalinyaraduba waayo waa xisbigii dalka saamaynaayay, marka shirka la qabto waxa uu leeyaha xeerara oo haayado ayaa wax gooya, markaas xeerkayagu waxa uu dhigayaa qof kasta oo golaha dhexe ah waa uu isku sharaxi karaa madaxweyne iyo ku xigeen, qodab sharciya cid kasta oo sheegtaana waaba sharci, haayada goynaysa in cidi ay is sharaxdo waa golaha dhaxe  ama shir weyne, markaas haay’adaha gooya iyo wakhtigooda ayaa la keenayaa cida noqonaysa musharaxa, laakiin qof kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu yidhaahdo musahrax ayaan noqonayaa, cidina uma diidi karto.”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Haddii uu qof jacel yahay waxaa uu odhan karaa hebal haloo daayo hebal ayaa ku fiicane iyaduna waa xuquuq uu leeyahay, markaas maxaad ugu diidi ninka yidhaahda hebal ayaa ku wanaagsane hays sharaxo, madaxweynuuna haddii uu is sharaxaayo xaq buu u leeyahay oo golaha dhex ayuu ka tirsan yahay, waxa ka hor joogsanayaana ma jiraan,anigu haddaan is sharaxaayo lamid, ninkii kale ee golaha dhaxe ahna lamid, laakiin meelbay leedahay iyo wakhti iyo xeerar lagu qaado cidii musharax doonaysa, markaas wax weyn maaha haddii uu yidhaahdo sidaas.”