Madaxweynihii Hore Oo UDUB U Soo Magacaabay Guddi Ka Kooban 35 Xubnood, Axmed Yuusuf Yaasiina Awood U Soo Siiyay Maamulka Hawlaha Xisbiga

0
715

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir RayaalDaahir-Rayaale-Kaahin-224x300e Kaahin, ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 35 xubnood oo isku duba ridi doonta hawlaha xisbiga, isagoo awood buuxdana soo siiyay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah ku simaha guddoomiyaha xisbiga.

 

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau sheegay in Md. Rayaale oo ku sugan dalka Faransiisku uu guddiga uu magacaabay u xilsaaray dhismaha xisbiga iyo magacaabista xubnaha golaha dhexe oo isaga awood loogu siiyay shirweynihii u dambeeyay ee xisbigu yeeshay, waxaanu warku intaas raaciyay inuu sidoo kale Md. Axmed Yuusuf Yaasiin awood buuxda u soo siiyay maamulka hawlaha xisbiga, waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin sida warku sheegay isla shalay magacaabay guddi ka kooban 19 xubnood oo la sheegay inay qabyo tiri doonaan golihii dhexe ee xisbiga iyo guddiga fulilnta, waxaanay guddigaasi soo diyaarin doontaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UDUB oo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono bishan dabayaaqadeeda, waxaana guddigan 19-ka xubnood ah guddoomiye u ah Axmed Yuusuf Yaasiin, ku xigeenkisuna waa Rashid Xaaji Cabdillaahi.

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu u baaqday hawlo u gaar ah, waxase uu xubnaha xisbiga kula soo dardaarmay inay u hawlgalaan sidii uu xisbigu u dhismi lahaa islamarkaana uu mar labaad ugu soo noqon lahaa saaxadda siyaasadda marka la galo tartanka ururada siyaasadda.

Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB oo la sheego inuu ka dhex jiro guux badan oo siyaasadeed, ayaa mar hore dib u dhigay qabashada shirweynihiisa, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu jiro fikir ay inta badan ee UDUB-yahanadu qabaan oo ah in marka hore wada jir looga hawl galo sidii xisbigu mar kale ugu guulaysan lahaa tartanka ururada siyaasadda, wixii markaas ka dambeeyana loo geli lahaa hawlaha kale ee xisbiga u yaala, waxaana jira xubno badan oo xisbiga ka tirsan oo danaynaya inay noqdaan murashaxa xisbiga u meteli doona doorashada dambe ee madaxtooyada.