Raysalwasaarihii Hore Ee Malaysaia Oo Diyaaradii La Waayay Ku Xidhiidhiyay CIA

0
544

Picture7Raysalwasaarihii hore ee wadanka Malaysia Mahathir Maxamed, oo ah hoggaamiye ay dunidu tixgeliso, ayaa ku taliyay inaan wakhti iyo maal lagu luminin raadinta burburka amaba sanduuqa madoow ee diyaaradaas, waxaanu tilmaamay inay dhinacyo Sirdoon ku lug leeyihiin lumitaankii diyaaradaas.

Maqaal uu Dr. Mahathir, qoray, ayaa wuxuu ku sheegay suurtogalnimada inay gacmo sirdoon ku lug lahaayeen dhicitaankii diyaaradii iyo weliba waayitaankeedii ka dambeeyay. Dr. Mahathir, oo ah 88 jir dunida guudkeeda magac iyo qadarin ku leh, maqaalkas uu qoray wuxuu yidhi, “Diyaaradii lama waayin.”, waxaanu tilmaamay inay joogto meel kale, “Diyaaradii waxay ku sugantahay meel aanu khadka diyaaradaha Malaysia gaadhin.”

Wuxuu tilmaamayaa oo uu qoraalkiisa ku yidhi “Wax kasta oo Dhulka ka kaca waa ay soo degaan. Way dhici kartaa inay Nabad kusoo degto Diyaaraddu ama ay burburto. Laakin lama qaadan karo in Diyaaraddii gebigeedaba halka ay joogto la garan waayo, iyadooba waliba Qalabka ugu casrisan ee wax lagu baadho loo adeegsanayo baadi-goobka Dayuuradda.”

Mahatir Maxamed wuxuu intaas raaciyay in arrinta kale ee uu la yaabanyahay ay tahay in Qalabkii Dayax-gacmeedyada lagu daba galayay ee MH370 uu Shaqada gabay, waxaana laga yaabaa buu sheegay in Cid Dhulka joogta ay Qalabkaas ciladeysay amase Xarun Dhulka ku taala ay Dayuuradda  u yeedhatay. “Dayuuraddan wuxuu Nooceedu ahaa Boeing 777, waxaana sameeysay Shirkadda Boeing oo dhamaan Qalabka Xidhiidhka iyo Daba-galka Dayax-Gacmeedkaba u dhistay. Hadaba hadii Dayuuraddii la wayay amaba ciladowday, waa hubaal inay Shirkaddu ka warqabto sida ay taasi ku timid. Waana Shaki la’aan in Shirkadda Boeing ay Diyaaradeedaas markii horaba u sameysay hab loogaga hortagi karo inay Ciladowdo, si badbaadadeeda loo ilaaliyo” ayuu yidhi Ra’isul wasaarihii hore ee Malaysia. 

Mahatir ayaa tilmaamaya inay jiri karaan dhinacyo Sirdoon ah oo ku Lug leh Diyaaradan qarsoontay, gaar ahaan CIA, wuxuuna soo xigtay Maqaal uu 2006-dii Qoraa John Kroft la yidhaa ku faafiyay Website-ka Flight Global, kaas oo lagu sheegay in Wakaaladaha Sirdoonka Dunida sida kan Mareykanka ay awood u leeyihiin inay Qalab ku hagaan Dayuuradaha oo ay halkeey doonaan ku dajiyaan iyagoo adeegsanaya Duuliye Gacan ku sameys ah. “Sababa jira dartood, saxaafadu ma baahinayso wax kasta oo ku saabsan Boeing iyo CIA.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi, waxaanu intaas raaciyay  “Sow suurtagal maaha in Duuliyihii Diyaaradda uu Awoodi waayay inuu sii hago Dayuuradda, ka dib markii Dhinacyo kale oo Qalab meela fog fog yaala adeegsanaya ay soo fara galiyeen kaxeynta Diyaaradda?”

 Wuxuu ku baaqay inaan Waqti iyo Lacag lagu lumin baadhista Burburka Diyaaradda, ama qaar ka mida Shidaalkii ku jiray oo gororay iyo waliba Sanduuqeeda madow, wuxuuna xusay in Diyaaraddu ay meel un joogto, sidaas darteedna loo baahanyahay in hab kale wax loo maareeyo.

Wuxuu tilmaamayaa inay ku adagtahay inuu rumaysto in diyaaradii la waayay, oo aanay weliba wax xog ah ka haynin shirkadii samaysay.