Qaramada Midoobey Oo Sheegtay In Qiimaha Cuntadu Uu Dunida Oo Dhan Ka Jabay

0
428

Picture2Roma (Geeska)- Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaadday in qiimaha iibka cuntadu uu duinda oo dhan hoos uga dhacay qiyaas celcelis ahaan dhan  boqoliiba Shan iyo badh sida uu ahaan jiray bil ka hor, taas oo noqonaysa hoos u dhicii ugu weynaa ee qiimaha cuntada muddo toddoba sano ah.

Haayadda cuntada iyo beeraha adduunka oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in bishii u dambaysay uu dunida oo dhan hoos uga dhacay qiimaha dhammaan noocyada cunto ee muhiimka ah oo ay ku jiraan khudraddaaha, caanaha, saliidaha iyo midhaha (Sida gallayda, digirta iwm).

Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay oo uu ka soo xigtay BBC waxaa lagu sheegay in soo-saarayaasha maaddooynka cunto ee dunidu ay dhibaato suuq xumo ahi ka haysato iibka oo yaraaday, hoos u dhaca sayladaha Shiinaha iyo xayiraadda uu dalka Ruushku saaray wax-soo-saarka reer galbeedka oo dhan darteed.

Midowga Yurub ayaa dhowaan go’aansaday in lacag dhan 500 oo Milyan oo Yuuro caawimo ahaan loo siiyo beeraleyda Yurub ee suuq xumadu ku dhacday dalaggii beeraha. Midowga  Yurub waxa uu sheegay caawimada qaybteeda ugu badan loo gaar yeeli doono taageerada dhinaca wax-soo-saarka la xidhiidha caanaha ee dhammaan dalalka midowga Yurub.  Beeraleyda soo saara caanaha ayaa ku cabanaya suuq xumada iyo qiimo jabka soo food-saaray wax-soo-saarkooda caanaha, waxa aanay gaadhay in sannadkii hore ee 2014ka uu qiimaha caanuhu boqolkiiba 20 ka hoos maro qiimihii lagu iibin jiray sannadihii ka horreeyey.

Midowga Yurub caanaleyda oo keliya ma’ caawinayo ee waxa uu sidoo kale hore u sheegay in uu go’aansaday in uu caawimo lacageed siiyo beeraleyda khudradda noocyadeeda ee Midowga Yurub, gaar ahaan kuwa khasaaruhu ka soo gaadhay xayiraadda Ruushku ku joojiyey wixii uga imanayey Yurub iyo Maraykanka isaga oo ka jawaabaya cuna-qabataynta ay marka hore midowga Yurub iyo Maraykanku hore u saareen Moscow si ay ugu ciqaabaan qalaalaasaha Ukraine oo ay u arkaan in Ruushku taageerayo jabhadaha.

Beerlayeda Qaaradda Yurub ayaa toddobaadyadii u dambeeyey dhigayey dibad-baxyo qaaradda oo dhan ku baahsan oo ay kaga cabanayaan qiimo jabka ku dhacay wax-soo-saarkooda waxa aanay ku doodayaan in ay taasi aakhirka ku keeni doonto in ay jeeb madhnaani ku dhacdo. Booliiska dalka Belgium ayaa Isniintii toddobaadkan sunta dadka ka ilmaysiisaa iyo dhuumo biyo ah ku kala dareeriyey qaar ka mid ah dibad-baxyadan oo isugu yimid shaaracyada magaalada xarunta dalkaas ah ee Brussels, waxaana isugu yimid dad ka badan 7 kun oo beeraleyda Yurub ah. Toddobaadkii horena beeralyeda Faransiiska oo dibad-baxyo waaweyn isugu yimid ayaa xidhay qaar ka mid ah shaaracyada magaalada Paris iyaga oo adeegsanaya in ka badan 1500 oo cagafyada beeraha lagu qodo ah. Si kastaba ha ahaato ee dadka odorosa suuqyada iibka cuntadu waxa ay sheegayaan in aan muddooyinka dhow la filayn in qiimaha cuntadu uu kor u kaco.

Haayadda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO ayaa iyaduna warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay, “Dhowr sababood ayaa keenay (Qiimo jabka) waxaana ka mid ah sahaydii oo korodhay iyo tamartii oo hoos u dhacday, sidoo kale waxaa ka mid ah walaaca laga qabo gaabiska ku yimid dhaqaalaha China”