Raysalwasaaraha Hindiya Oo Socdaal Ku Tagay Pakistan

0
585

Raiisul Wasaaraha dalka India ayaa socdaal ku tagay Pakistan markii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska qabtay sanadkii hore. Socdaalka ayaa ahaa mid kedis ah.

iiiiiiii

Narendra Modi ayaa kaga dhawaaqay booqashadan lama filaanka ah twitter-kiisa, isaga oo sheegay in uu rajeynayo inay isku arkaan dhiggiisa dalka Pakistan, Nawaz Sharif, magaalada Lahore.

Mr Modi ayaa waxa uu sidoo kale tagay India kadib dalka Afghanistan,halkaasi oo uu khudbad ka jeediyay baarlamaanka.

Waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalkii nabadeed ee labada dal ee deriska ah oo labaduba heysta hubka niyukleerka.

Labada hoggaamiye ayaa si kooban wada hadal ugu yeeshay bishii hore shirka isbeddelka cimilada ee ka dhacay magaalada Paris.

Xiriirka labadan dal ee ku hubeysan hubka nukliyeerka ayaa ahaa mid liita tan iyo markii ay Pakistan ka go’day India 1947-kii, markaasi oo labada dalba ay xorriyad ka qaateen Britain.

Labada dal ayaa wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhex maray saddex, oo laba ka mid ah ay ku saabsanaayeen gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, oo qeybna ay maamusho Pakistan, qeybna India, balse labaduba ay sheegtaan.

Socdaalkan ayaa noqday mid yaab badan, waxaana la filayaa in wasiirka arrimaha dibadda India uu dhawaan ku noqdo dalka Pakistan si loo sii ambo qaado waxyaabaha ay labada hoggaamiye ee labadan wadan shalay ka wada hadleen.