Magaalada Jawhar Oo Laga Mamnuucay Indho-shareerka

0
603

Jowhar(Geeska)-Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada caasimadda gobolka ah ee Jowhar ka mamnuucay in haweenka ay xirtaan indho shareerka. 

hhh

Maamulka ayaa sidoo kale magaalada ka mamnuucay in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aanay socon karin xilliyada habeenkii. 

Go’aankan ayaa maamulka waxa uu ku macneeyey inay u qaateen sababo dhinaca amniga ah, iyadoo magaalada ay isku diyaarinayso inay marti-galiso shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan. 

Maamulka ayaa sheegay in hore magaalada loogu arkay rag soo xirtay indha-shareerka, oo ayaga oo doonaya inay falal amni darro ahmagaalada ka fuliyaan la qabtay.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in sababta magaalada looga mamnuucay Bajaajta xilliyada habeenkii ay tahay inay sahlan tahay in mootooyinka noocan ah lagu fuliyo weerarada. Illaa hadda lama shacain waqtiga ay socon doonaan mamnuuciddan.