Raxan Ka Mid Ah Labeentii Wasiirada Madaxweyne Silanyo Oo Is Casilay & Xubin Cusub Oo Xalay Ku Biirtay

0
741

Picture6Hargeysa(Geeska)-Markii u horaysay taariikhda Somaliland waxa mar qudha is wada casilay sagaal xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada kuwaas oo isugu jira shan wasiir iyo afar wasiir-xigeen, agaasime guud iyo weliba afhayeenka madaxtooyada.

Wasiiradan ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu la saftay in guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi loo doorto murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

Masuuliyiintan oo intooda badani ah kuwii ugu cuslaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay is casilaadooda ku dhawaaqeen ka dib shir saacado badan qaatay oo ay wada galeen. Xubnaha is casilay ayaa kala ah

1. Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid

4. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw Daahir

5. Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed

6. Wasiir-xigeenka dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan

7. Wasiir-xigeenka horumarinta reer miyiga Axmed Maxamed Nuur

8. Wasiir-xigeenka arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir

9. Wasiir-xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq

10. Agaasimaha guud ee wasaaradda wershadaha Mawliid Weris

11. Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul

Masuuliyiintan ayaa waxa ay is casiladoodu timid ka dib shir saacado qaatay oo ay kaga arrinsadeen kulan uu Madaxweyne Siilaanyo habeen hore la yeeshay xubnaha golaha wasiirada ugu jira beeshiisa Bariga Burco, kuwaas oo uu ku amray inay taageeraan murashaxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Soo jeedintaas amarka ahayd ee Madaxweyne Siilaaanyo ayaa sababtay inay wasiiradani is wada casilaan mar qudha.

Wasiiradan ayaa intooda badani ah labeentii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana la dareemi doonaa ka mid ahaanshahoodii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.Geesta kale, wasiir-xigeenka ganacsiga iyo maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir ayaa xalay si rasmi ah u gu dhawaaqay inuu isaguna iska casilay xilkii wasiir-xigeen ee uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxase uu sheegay inuu ka sii mid ahaan doono xisbiga KULMIYE.