“Ramaax Waxaan Leeyahay Waa Inaad Si Fiican U Gudataa Xilka Qaran Ee Aad Hayso, Ama Si Toos Ah Xisbiga Kulmiye Ugu Biir Oo Is Casil”

0
758

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Togdheer Ramaax, waxaanu ugu baaqay inuu ilaaliyo xilka qaran uu umadda u hayo, waxaanu sheegay in Xisbi Kulmiye oo qudha aanu Badhasaab u ahayn.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ganacstadu aanay u haboonayn inay u kala hiiliyaan Xisbiyada, waxaanu sheegay inay jiraan Ganacstadu faragelin ku haya Xisbiyada mucaaradka, gaar haan Xisbiga Waddani, waxaanu ugu horeyn yidhi “Doorashadii baa soo dhaw, Xisbiguna wuxuu isku diyaariyey oo doonayaa inuu taladda dalka ku guulaysto haddii ALLE idmo, Taageerayaasha kala duwan ee  Xisbigu ku leeyahay Gobolada dalkana waa mid ka sareeysa Xisbiga Kulmiye mar walba, waxaan aad ula yaabay Ramaax oo yidhi Gobolka Togdheer iyo Gobolada kale oo dhan kaalinta kowaad baanu galaynaa, Ramaax waxaan se leeyahay waa inaad si fiican u gudata xilka qaran ee aad hayso, ama si toos ah Xisbiga Kulmiye ugu biir oo is casil, maaha in adigoo xil qaran haya, oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee kala taageersan Xisbiyada, aad Badhasaab u tahay, gaar ahaan Gobolka Togdheer, maaha inaad Waddani ku meeraysato, laguma diidana inaad Xisbiga Kulmiye ee aad ka tirsan tahay taageertid, balse xilka qaran ee aad umadda u hayso ayaa ku xadidaya, waxaana wax aad loola yaabo ah in maalinta Kulmiye meel marayo inaad ka aamusto, maalinta aad aragto Waddani oo meel marayana inaad dhaliishid”

Mar uu ka hadlaayey Ganacsatada iyo Siyaasada ayaa yidhi “Ganacsaduhu xaq buu u leeyahay inuu cid taageero, laakiin Ganacstada u banbaxay inay Xisbi la dagalamaan oo ay burburiyaan, waa arin aan u fiicanayn ninka Ganacsadaha ah, kolay waxaana jira Ganacato waaweyn oo macruufa ah oo xeerarkii iyo shuruucdii dalka ka hor yimid, oo Kulmiye taageeraya, sida nooga muuqatana waa Ganacsato ka baqaysa mustaqbalka, laakiin waxa haboon inay ILLAAHAY aaminaan, Ganacstaduna maaha Siyaasiyiin, Xukuumaddii timaadaba Ganacsato ayey u yihiin, ee Ganacstada ku milantay Siyaasada waxaan leeyahay ka waantooba waxaad wadaan, gaar ahaan Ganacstada ku suntan faragelinta Xisbiyada Mucaaradka, waxaan leeyahay joojiya waxaad wadaan”.

Mar uu ka hadlaayey shaqsiyaadka ka baxay Xisbiga ayaa yidhi “Qofka muwaadiinka ah ma wanagsana in rayigiisa, doonistiisa iyo rabitaankiisa iyo xuquuqdii uu wadanku ku lahaa inuu shlimo dhaafsado, laakiin shaqsiyaad shilimo uga baxay Xisbiga Waddani waxba u noqon maayo”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Waddani oo ka hadlay hantida qaranka ayaa yidhi “Hanitada Qaranka waxa ka mamnuuc ah in Xisbi adeegsado, laakiin Xisbiga Kulmiye hantidii Qaranka ayuu adeegsanaya, haddii ay tahay Gaadiidkii qaranka, warbaahintii qaranka, shidaalkii qaranka si sharci daro ah ayuu Kulmiye u adeegsanayaa, ee Komishanka Qaranka waxaan leeyahay hantida qaranka ee uu Kulmiye ku dagaal galayo go’aamo ka soo saara, Madaxweynaha Somaliland waxaan leenahay waxaad tahay Madaxweyne, waxaad dalka u soo qabatay hore iyo dambaysaba ay taariikhdu xusi doonto, ee ayaamaha ka hadhay muddo xileedkaaga kuwa magaca ka qaribaya ha dalka ha ku sii daynin”.