“Afartii Qof Ee Jabhadda Ugu Hor Talaabay Ayaan Ka Mid Ahaa, Gurina La Iima Dhisin, Faysal Iyo Cirrana Guryo Ayaa Loo Dhisay”

0
916

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in horumarka dalka ka jira uu keenay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku galay doorashadii 2010.

Mujaahidka oo shalay ka hadlayay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa, wuxuu sidoo kale difaacay baahiyaha aasaasiga ah ee dalka ka jira oo uu Md. Faysal Cali Waraabe aad u dhaliilay. Isagoo ugu horayn ka hadlaya KULMIYE, wuxuu yidhi “Annagu xisbiga KULMIYE, horumarka dalkan ka dhacay KULMIYE ayaa keenay, annagu dalkan lamaanu iman dhaqaale, Siilaanyanana lacag ma sidan, KULMIYE-na muu sidan ee horumarka dalka ka dhacay wuxuu ku yimid aragtii uu kulmiye kusoo bandhigay barnaamijkiisii hore ee siyaasiga ahaa. Barnaamijkayaga cusub ee siyaasiga ahi hadda waa da’ labaad, Faysal oo laba goor oo hore is sharaxay adigu da’ horaad iyo da’ labaad toona tirsan maayo, Waddanina waxbaba tirsan maayo.” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaanu intaas raaciyay “Anigu afartii qof ee jabhadda ugu hor talaabay ayaan ahay oo keligayna waan ka noolahay, Faysal iyo Cirro labadaba guryo ayaa la siiyay, anigu maba lihi, Siilaanyana ima siin, Cigaalna ima siin, Rayaalena ima siin, aniguna nin intaas ku ciil qaba ma ihi.”

Isagoo Maxamed Kaahin ka jawaabaya doodda Faysal ee ah in adeegyada aasaasiga ah ee dalku liitaan, wuxuu Maxamed Kaahin yidhi “Aniga Faysaloow carruurtayda iyo xaaskayga cisbitaalka Hargeysa ayaan tagaa oo 70-ka dollar ee shaybaadhhka ahna la iga ma qaado, bilaashan waxba la iima siiyo, waan kula qabaa hadday ganacsatada iyo hadday cisbitaalada gaarka ah tahay in dadka arrimahood wax laga qabto laakiin meelo badan ayaa adeega caafimaaka asaasiga ahi uu dalka bilaash kayahay.”