Mawqifka Xisbiga UCID Ee Jiritaanka Xukuumadda Marka La Gaadho Wakhtiga Doorashada

0
640

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa  mawqif adag iska taagay jiritaanka Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Sillaanyo, waxaanu Xisbigu sheegay in marka la gaadho wakhtiga rasmiga ah ee ay Xukuumaddani ku eegtahay in aan dalka lagu sii aamini karin, iyaga oo tilmaamay in aanay kalsooni ku qabin, isla markaana  aan lagu kalsoonaan karin inay dalka ka qabato Doorasho xor iyo xalaal ah.

Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo ay ka mid yihiin Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo Shalay Shir jara’iid ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysas, ayaa ayaa Mujaahid Cali Guray oo isagu Shirkaas Jara’iid ka hadlay isla markaana ku hadlaayey Magaca Xisbiga UCID, ayaa tilmaamay in Madaxweynaha, iyo Komishanka Doorashooyinka midna laga haynin in aanay Doorasho dib u dhacaynin, blasé Xukuumaddu ay qasayso, isaga oo tusaale u soo qaatay Wasiirka Madaxtooyada, waxaanu tilmaamay in wada tashi qaran la iskaga iman doono marka la gaadho wakhtiga rasmiga ee xilka Xukuumaddani ku eeg yahay, isla markaana laga wada tashan doono Xukuumaddii Doorashada gaadhsiin lahayd, waxaanu sidoo kale ka hadlay Golaha Wakiilada, oo uu sheegay in iyana loo baahan yahay Gole Barlamaan oo cusub, lana soo doortay inay bedelaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka  hadlaya “Waxaan jecelahay inaan halkan idiinka Sheego Mawqifka rasmiga ah ee Xisbiga UCID, xaalada hadda taagan ee Siyaasada, horena waa anagii u caddeynaya in 26-june Doorasho aanay dhacayn, inkasta oo aan Madaxweynaha laga hayn, Xukumaddiisa laga hayn, Komishanka  laga hayn, cid kale oo laga hayaana aanay jirin, UCID mooyaane, oo dadka u sheegta in Doorashadu 26-june  suurtagal ahayn inay dhacdo”.

Gudoomiye xigeenka Saddexaad ee  UCID oo hadalkiisa sii ayaa yidhi “Haddii ay dhici waydo maxaa la yeelayaa ayaa meesha taala. Annagu halkaanu ka taagannahay waxa weeye in Golahan Wakiilada, ee 10-ka sanno fadhiyay,haddana sugaya in 26-ka June ka hor sugaya in loo kordhiyo oo ay dhawr iyo toban sanno fadhiyaan in gabi ahaantoodba la kala diro oo uu bedelo Barlamaanka cusub ee la soo doortay,”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi  “Wakhtigan maxa lumiyey Doorashada, ilayn Madaxweynuhu waa kii yidhi aniga muddadayda Maalin ku darsan maayo, waxaan qabaa anigu in Madaxweynaha run ka ahayd, oo uu jeclaa in aanu Maalin ku darsan, dad ayaa u qaba inay beentii ka ahayd,laakiin nasiib daro maxa keenay inay qabsoomi waydo, waxa keenay xeerkii, lagu dilay Madaxtooyadiisa iyo Xukuumadda, Xukuumadda Maanta ee Axmed Siilaanyo maaha Xukuumad lagu aamini karo, inay Doorasho qaban karto, xittaa haddii Komishanku jadwalkiia ku cayimo muddo dambe, wayo markeeda hore ayey qeyb ka tahay wixii lumiyey ee beeniyey wacadkii Umadda uu u qaaday Madaxweynaha, oo uu kow ka yahay Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi, waxaanu ogolnahay Xukuumad lagu wada kalsoonaan karo, oo lagu aamini karo inay Doorasho qaban karto, oo ku timaada wada tashi qaran, 26-june ilaa inta laga gaadhayo Doorashada, dalkani sida uu ku soconaya iyana waxa aanu ogol nahay in la iska yimaado, oo laga yeesho wada tashi Qaran”.