Ramaax Oo Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Gobalka Awdal Iyo Raashin Yari Jirta

0
509

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan  (Ramaax),ayaa ka hadlay xaalada abaareed ee haystay Deegaano badan oo ka tirsanaa Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in meelo badan Roobkii ka da’ay, oo ILLAAHAY raxmaadkiisa shubay, waxaanu ku baaqay in laga wada qayb qaato sidii abaaraha wax looga qaban lahaa. 

 Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan  (Ramaax),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa  ayaa sidoo kale sheegay inay hadda Gobolka Awdal ka jirto Raashin yaraani, sababtaasna uu u joogo Caasimadda, “ILLAAHAY ayaa raxmadiisi inoo shubay, waana ugu shugri naqaynaa meelo badan Roobkii wuu ka da’ay, oo xittaa waxa jira dhul ceelashoodu go’ay, markii uu daadkii soo noqday, inkasta oo Roobkii si fiican u da’ay, laakiin wali waxa jira Raashin la’’aantii oo imika Hargeysa ayaan jooga, waxaana u joognaa in wuxuun gaadhsiino dadkaas, Xukuumaddu dadaal ayey abaarahan ka gashay, deg degna wax waa loo geyn doonaa, in xitaa dadku is caawiyaan weeye, oo  waliba qofka qof ehelkiisa ah wax u soo diraa caawimadii ayuu ka qeyb qaatay,markaas waxa aan ku baaqayaa in qof walba wixii karaankiisa ah ee uu wax ka qaban karo inuu ka qabto, Guddi Dawladda ah oo Abaaruhu uu inoo jiraa oo ah Guddi heer qaran ah iyana hawshoodii way wadaan”