Rajadii Puntland Ee Helitaanka Shidaalka Oo Si Rasmi Ah U Beenowday

0
545

 

Nayroobi (Geeska/Reuters)- Shirkada baadhitaanada shidaalka ee Horn Petroleum ayaa sheegtay dhowaan inay ugu tageen biyo ceel shidaal ay ka qodayeen horaantii sannadkan Puntland, ceelkii ugu horeeyey ee lagu hungoobi, Shabeel 1 oo hoosta loo qoday ilaa afar kilometer ayaa xilligan laga guuray.

Masuuliyiinta shirkadaa ayaa sheegay maadama wax raadad shidaal laga waayey ceelkii koowaad, inay qorsheeyeen qoditaanka ceel labaad, balse, mar kale ugu tageen meel madhan, isla markaana shirkadu ceel danbe shidaal ka baadhi doonin.

"Maadama aan ka niyad jabnay inaan wax raadad shidaal ka helo qoditaanka labadii ceel ugu horeeyey Puntland, waxaan si weyn ugu qanacnay inaan wax shidaal jirin," ayuu gudoomiyaha Horn, Keith Hill sheegay.

Inkastoo, rajooyin badan ka jireen shidaal laga helo wadanka ageeska Afrika qarniyo, waxa cadaatay inaan wax keyd shidaal jirin.

Rajadii in dooxada Dharoor, leedahay keyd shidaal ayaa soo jiitay masuuliyiinta deegaamadaa. Shirkadaha ayaa hore ugu qiyaasay ugu yaraan ilaa 300 bilyan oo shidaal laga heli doono waqooyiga Soomaaliya.

Soomaaliya, oo dagaalo sokeeyey saameeyeen ilaa 1990-kii, ka dibma maleeshiyaadka fadhiid ka dhigeen xukuumada ayaa u muuqata, furimada ugu danbeeya baadhitaan shidaal ee Afrika.