Golaha Wakiilada Oo Shalay Laalay Xeerka Kootada Kuraasta Baarlamaanka Iyo Haweenka Dalka Oo Cambaareeyay

0
569

 

wakiiladaHargaysa( Geeska )-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa laalay xeerka kootada  haweenka iyo beelaha la hayb sooco, kaasoo qaar kamid ah xildhibaanadu ay si adag uga horyimaadeen iyagoo sheegay inuu ka hor imanayo distoorka qaranka.

 

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay  ku simaha  guddoomiyaha Baashe  Maxamed Faarax, ayaa ay xildhibaanada meesha kaga saareen xeerkaas oo ka mid aha ajandaha kal-fadhiga 19-aad ee golaha , waxaana cod gacan taag ahaa ugu codeeyay laalistiisa xeerkaas 21  xildhibaan, 12 ayaa diiday , halka 9 mudane ay ka aamsuseen, gudoomiyahuna muu codayn.

 Waxa kale oo ay mudanayaashu duuduub ku ansixiyeen  qodabada uu ka koobana yahay ajandaha kal-fadhiga 19-aad  oo ay doodiisa qodob – qodob ugu geli doonaan inta lagu jira kal-fadhigan.  Xeerka kootada  haweenka iyo  beelaha la hayb sooco, ayaa dhawr jeer oo hore ay  golayaashu u diideen.

Dhinaca kale shir ay haweenku ku qabteen xarunta daladda NAGAAD, ayaa waxa ay ku camabareeyeen talabadaas ay golaha wakiiiladu qaadeen.

Guddoomiyaha NAGAAD Marwo Kaltuun Sheekh Xasan iyo haween kale oo tiro badan oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay haween weynuhu ka xumaadeen go’aanka ay golaha wakiiladu ku laaleen xeerkaas oo uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay, waxaanay mudanayaasha golaha wakiilada ka codsadeen inay ka noqdaan cod qaadistaas ay sameeyeen. “ Waanu ka xunahay in wixii dadweynaha reer somaliland oo dhan laga soo ururiyay inay tiro yar oo xildhibaano soddon iyo dhowr ahi ay diidaan , arintani oo bulshadda reer somaliland dhalinyaro ,cuqaal ,haween iyo madaxba ay kusoo ogolaandeen in haweenka la siiyo kuraas kooto ah inay diidaan ” ayay tidhi marwo Kaltuun Guddoomiyaha Dalada isku xidhka Haweenka ee Nagaad .

Guddoomiyaha Daladda Isku xidhka Haweenka ee Nagaad Network oo Markale ka Hadlaysa arrintaas ayaa tidhi “Waxaan leeyahay golaha maydaan garanin wixii aad ka shaqaynayseen Maydaan garanin Dastuurka somaliland maydaan garanin inaad idinku tihiin kuwa xaqa Dadka simaya”.

Xildhibaanad Baar siciid Ducaale oo ka mid ahayd xubnaha goob jooga ka ahaa shirkaas ay haweenku qabteen, ayaa sheegtay in laalista xeerka kootadda dumarka ay ka dambeeyeen mudanayaal ay sheegtay inay tiradoodu koobantahay.