Raila Oo Diiday Dalabkii Iscasilaada Wasiirada Kenya

0
565

 

Picture3Nairobi, (Geeska/Standard Digital) Raysal-wasaaraha Kenya, Raila Odinga ayaa gaashaanka ku dhuftay baaq madaxa hay’adda Shaqaalaha Kenya,  Francis Kimemia ugu jeediyey wasiiradii la doortay inay xilkii dawladda iska casilaan, kuna tilmaamay baaq qeyral-sharci ah.

Qoraal, Raila soo saaray ayuu ku sheegay in xukuumada wadaaga ee ka kooban Madaxweynaha , raysal-wasaaraha, Madaxweye-xigeenka iyo wasiiradu joogi doonaan ilaa inta si rasmi ah madaxweynaha la doortay xilka ula wareegayo, sidaana uu tilmaamayo dastuurka Kenya qeybtiisa 12, iyo xeerkii heshiisiinta qaranka.

“Ma jiro qodob ugu baaqaya wasiirada inay is-casilaan, sida uu sheegay Madaxa Hay’ada Shaqaalahu, ee xukuumadu ku dhawaaqday,” ayuu yidhi.

 Isagoo raaciyey,  “Si shakiga looga saaro, xukuumadii midowgu weli way taagan tahay ee Madaxweynaha iyo Raysal-wasaarahu hogaaminayaan.”

Raysal-wasaare, Raila, ayaa dhinaca kale soo dhoweeyey fasiraadii Xeer-ilaaliyaha guud,  Githu Muigai, ku sameeyey sharaxaada qodobada dastuurka, uu ku sheegay in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, Raysal-wasaaraha, wasiirada iyo ku-xigeenadoodu joogi doonaan xafiisyadooda ilaa madaxweynaha iyo golaha wasiirada la doorto.  

Xeer-ilaaliyaha Kenya, Muigai ayaa sheegay inkastoo muddo xileedkii Madaxweynaha iyo xukuumadu dhaafay shanta sannadood, balse, dhamaantood waxay u sii joogi doonaan xafiisyadooda si ku-meel-gaadh ah, waxaanay awoodo fulineed yeelanayaan muddada kooban ee hadhay.

Salaasadii, ayuu Kimemia soo saaray wareegto ku amraysa wasiirada iyo ku-xigeenadooda lagu doortay doorashadii 4 bishan inay degdeg xilalkii ay hayeen isaga casilaan, taasoo lagu sheegay wareegtadaa in sharcigu aanu ogolayn in qof wada hayo labo xil qaran.