Kulmiye Wuu Karayaaye: Miyuu Kabmayaa, Korayaa, Mise Wuu Kadmayaa?

0
921

 

boobeIdaacaddaa ‘Sowtul Carab minal Qaahira’, waxay ka mid ahayd waxyaabihii ugu mudnaa ee dawladdii Ingiriiska ku dhaliyay in la furo laanta af Soomaaliga ee BBC-da. Sababaha loo sameeyay laantan af Soomaaliga ee BBC-da waxa ka mid ahaa si looga hor tago Idaacaddaa Qaahira laga soo deyn jiray oo saamayn la yaab leh ku lahayd degellada Soomaalidu degto oo dhan. Laanta afka Soomaaliga ee BBC-du ahmiyadda ay Ingiriiska u lahayd, waxaad ku garanaysaa afafka lala furay ee mar lala bilaabay oo kala ahaa: Sawaaxiliga oo bariga Afrika lagaga hadlo iyo Hawsada oo galbeedka Afrika ka aawan. Dadyowgaa lala qiimeeyay Soomaalidu tiro ahaan meelna kagama ay dhacayn xilliyadaas. Markii danbe Qaahira waxa laga furay Laan afka Soomaaliga ku hadasha, si loogu quus-gooyo gumeystayaashii.

Beryihii dalka la soo galay ayaan arkay feyl gaboobay oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha yaallay. Waxa ku jiray warbixino maalinle ahaa oo Xafiiska CID-du u soo qori jiray xukuumaddii Ingiriiska ee Hargeysa joogtay. Waan akhriyay. Warbixintaasi waxay ahayd barnaamajyada iyo hadallada ka baxa Idaacaddaa Qaahira oo afka ingiriisiga ku qoran. Garo’ oo habeen walba waa la dhegaysan jiray. Karka intaa le’eg ayay Idaacaddaasi iyo afka carabiguba ku lahaayeen gumeysigii Ingiriiska oo aanay tamarin kuwii uu wax soo baray, intoodii badnayd.

Halyeeyadaa dhaqanka iyo ‘taqaafadda’ Carbeed lahaa ee beryahaa Xisbiyadaa siyaasadeed u hadli jiray ama wax u qori jirayba waxa ka mid ahaa oo aynu xusi karaynaa, ilaa maantadaa aynu joognana xiska dadka qaarkii ku sii hadhsan:

Ibraahin Cali Ducaale, Cumar Maxamed (Cumar Dheere), Yuusuf Meygaag Samatar, Axmed Maxamed Guuleed (Axmed Jimcaale), Maxamed Cali Faarax, Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi), Axmed Yuusuf Ducaale, Cabdilqaadir (Tifaf-tirihii Al-saraaxa) iyo qaar kaleba. Ma aan illoobin xubnihii Xisbiyadaa hoggaanka u ahaa ee ay ka midka ahaayeen: Xaaji Cumar Askar, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Axmed Xasan, Maykal Mariano, Garaad Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahin Nuur  iyo qaar kale oo badan.

1993kii, markii lagu jiray Shirweynihii Guurtida ee Boorame, ayaan maalin gurigiisa ku booqday Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waxaanu ka wada hadlaynay niman ay shalayto oo kale wada fadhiisteen oo ay ballansanaayeen. Waxaan u sheegay in ay mar ballantaa kaga bixi gaadheen. Wuxu igu yidhi: “Oo siyaasadda ma been ayay u yaqaanniin?” Waxaan ugu jawaabay: “Halkan siyaasadda been ayaa looga yaqaannaa e’, adigu siyaasadda ma run ayaad u taqaannaa?” Wuxu igu soo celiyay: “Haa siyaasaddu waa run”. Wuxu intaa iigu kabay mar mar aad khudbadaynayso, waxoogaa dacaayad ahi waa ay raaci kartaa. Aniga oo la yabban, ayaan ku idhi: “La arki doonee.”    

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa waayadii hore ee ay ku cusbayd Madaxweynennimadu si aad ah u adeegsan jiray ereybixintaa siyaasadeed ee lixdannadii. Wax la yaab leh ma ahayn in aad khudbadihiisa ka maqasho: “Nuwaabta” (xildhibaannada oo u dhiganta wakiil), “Intikhaab” (doorasho), “Jamhuur” (dadweyne) iyo qaar kale oo badan. Waxa kale o uu halhays u lahaa oo uu ku badhxi jiray khudbadihiisa ereyga ‘Macal-asaf’ (aniga oo ka xun).

Bishii Juulay, 1983kii ayuu Shirweynihii 3aad ee SNM ku qabsoomay magaalada Harar ee dalka Itoobiya. Markii aanu Shirweynihii ka baxnay ayaan Xaaji Yaaxeen oo ka tirsanaan jiray Xisbigii SDU-da oo loo yaqaannay ‘Calan-casta’ kula kulmay magaalada Diri-dhabe. Isaga oo xiise badan u hayay in uu ka qayb-galo Shirweynihii SNM ee dhammaaday bal se ka daahay ayuu dhowr su’aalood I weydiiyay si uu u hubiyo in Shirweyne dhab ahi qabsoomay. Wuxu doonayay wixii noo qabsoomay in uu ku dhereriyo, Shirweynayaashii ay qabsan jireen.

Wuxu igu yidhi: “Ma ‘Mu’tamar’ (Shirweyne) ayaa qabsoomay?” waxaan ugu jawaabay: “Haa.” Wuxu igu yidhi mar labaad: “’Jadwal acmaal’ (Ajende) ma lahaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Haa. ”Mar saddexaad ayuu I weydiiyay: “’Qaraaraad’ (go’aammo) ma ka soo baxeen?” Waxaan mar saddexaad ugu jawaabay: “Haa.” Intaa ka dib ayuu yiqiinsaday in Shirweyne qabsoomay oo hadalkiisii ku soo xidhay: “Haddaa waa bes, waa uu qabsoomay.” Waa aragtidii ay xisbiyada ka qabeen dadkii lixdannadii xubnaha ka ahaa ee waayo-aragga ahaa ee xisbinnimadu ku dheereyd. Lixdannadii dadka qaarkii billadda xisbiga maryaha kuma ay qaban jirin ee jidhkooda ayay ku mudi jireen, kalgacalka ay u hayeen awgii.

Axmed Yuusuf Ducaale ayaa ii ga sheekeeyay gabadh ka tirsanaan jirtay Xisbigii NUF-ta oo maalin mid ku yidhi ama kula kaftamayba in aanay lacagtii biloodlaha ahayd ee qaadhaanka xisbiga bixin. Show iyaduna waa ay bixisay oo waxba kuma ay baaqan. Axmed Yuusuf Ducaale, wuxu intaa iigu daray in ay iyada oo ooyaysa oo ninkii ka dacwoonaysa u timid. Gabadhaasi waxay cay iyo af-lagaaddaba u arkaysay “Lacagtii qaadhaanka ma aad bixin.” Iyo ta maanta taagan ee xisbiyada loo soo foof-tegayo, hoggaankuna sidaa jecel yahay oo weliba raalli ka yahay, isla markaana laga doonayo in aanay dad iyo dalba la amban. Miyay taasi suurtoobaysaa!

Sow tii Hadraawi maansadiisa Daba-huwan ku lahaa:

“Intuu bahalaha dugsado,

 Intuu Dubur Hawd ka xulo,

 Ayuu qofku doonayaa,

 Dugaaggu in aanu cunin,”

Ma dhalanteed iyo dheel-dheel baa. Ma anigaan wax dhuganayn, ama aan wax dhaadayn.

SNM iyo waayaheedii

Ma SNM oo ka danbeysay oo 10 sannadood oo xoogga ka maso ah dagaal shacbiya oo hubeysan ku jirtay ayaan udub ka taagnayn. Ma ma-kasta iyo maan-gaabyada dhawaan-soo-baxa ah, fiqi-duurrayaasha macaan-jecesha ah ee dalqada indhaha ku leh ayaa ku maadeysta. Ma waayo-aragnimadeedii hodanka ahayd ayaan cidi ka faa’iidaysan, kol ay ku tahay intii hoggaanka u ahayd ee ku soo caano-maashay. Sow tii Hadraawi 1984kii maansadiisii Jiitama ku lahaa:

“Yaan lagaaga soo dhicin,

 Dhinacaan is-bixin karin,

 Dhacadiid iska ogow,

 Dhagartana is-weheshada,

 Ha iska dhiman sidii neef,

 Horto dhiig ku faro-xalo,

 Dhudhun kaa hor jeedaa,

 Ku dhirbaaxi maayee,

 Dhumucdaadu waar hooy,

 Dhumucdaadu hooy hooy,

 Dhumucdaadu yay hooy,

 Dharab-roorka kugu jebin,

 Inantaada Dhego-culus,

 Dhiidhiibso kula tali,

 Gacan baa wax dhalisee,

 Ha dhursugin ayaamaha,

 Hana dhowrin maalmaha,

 Dheeshu xeego maahee,

 Waa dhabiiltan gobannimo,

 Dhidar fule gashaantida,

 Boqorkiyo Dhaclaa xidhan,

 Yaanu kaaga dheerayn,”

 In la iskaga dheereeyay oo waliba laga badbadiyay, taas maanta muran kama taagna, bal se mar iyo marar kaleba waa innagaa goobahaa la soo maray halkoodii taagan.

  Ma UDUB ayaa duhur cad lagu kala tegay oo intii dheefsanaysay ee dheecaankeeda nuugtay dhuunta ku dhufatay. Ma tagtada iyo waxaan oollin ayaynu ku tirinnaa. Ma hebello hadla ayaa ka soo hadhay. Ma ururradii baa? Oo miyaan tirin karayaa, qof kastaaba ka uu ka jecel yahay ha ku darsado. Mar danbe ayaa lagu digtaa oo lagu walacsadaa hantidii ummadda oo la yidhaahdaa halkan ayay ku soo biireen iyo halkan ayay ka onkodeen. Astaamahoodii iyo calammadoodii inta ay soo qaataan, ayaa xaflado dhalanteed ah loogu sameeyaa fagaarayaashii ay ku faran-fardayn jireen waayadii ay gacan-furnaanta, fantasiyaha iyo fool-baxsigaba ku foognaayeen.

Waa 2013kii. Waa bilow. Gu’yaal badan ayaynu soo jirnay, garaad badan oo inoo kordhay se ma jiro. Tani oo kale weli inama soo marin. Lixdannadii xilliyadii SNL-sha iyo xisbiyadii weheliyay dhaqan xisbiyeed oo mabaadii ku taxan ayaa jiray. Hay’ado xisbiyeed oo hoggaamineed oo kala qalan ayaa jiray.

SNM-tii kama liidan oo dab yar ma shidayn. Weliba iyada mood iyo noolba waa loo huray oo wax aan cidna la siin ayaa la siiyay. Naf-hurkii ugu badnaa ayaa loo sameeyay oo aan hore u dhicin, malahayga dibna u dhici doonin. Shirweyne waa la qaban karayay oo ergooyinku 151 ayay ahaayeen, kii 6aad oo ay ergooyinki 314 ahaayeen mooyaan e’. Shirweynayaashu sannadkii mar (81kii ilaa 84kii), labadii sannadood mar (84kii ilaa 86kii) iyo saddexdii sannadoodba mar (87kii-90kii) ayay dhici jireen. Sidaas ayay sannadba sannadka ka danbeeya xilliga kala-guurka shirweynayaashu u kordhi jireen. Golaha Dhexe saddexdii biloodba kol ayay fadhiisan jireen, markii kala-guurka Shirweynayaasha labada ama saddexda sannadood laga dhigayna lixdii biloodba mar ayay fadhiisan jireen. Guddida Fulintu waa ay shiri karaysay oo 7 xubnood ayay ahaayeen. Shirarka Guddida Fulintu afar-iyo-tobnaadle ayay ahaayeen.

 

(La soco……………….)