Raila Iyo Uhuru: Saadaasha Loo Qaaday Oo Isku Sar Go’an Iyo Doorashada Isniinta

0
4561

 

KeynaNayrobi(Geeska)-Doorashada dalka Kenya oo dhici doonta Isniinta saadambe, waxa ay leedahay xiiso u gaar ah, waxaana u dheg taagaya dalalka caalamka oo isugu jira kuwa Kenya la jaarka ah iyo kuwa reer galbeedka ee ay danaha wadaagaan.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan Raila Odinga oo ah Raysalwasaaraha xilka haya kana socda isbahaysiga lagu magacaabo Cord iyo Uhuru Kenyatta oo ah raysalwasaare ku xigeenka wakhtigan, kana socda isbahaysiga Jubilee, waxa ay daraasadaha la qaaday ilaa hadda cadaynayaan inay isku sar go’anyihiin, taas oo ay macnaheedu tahay inay adagtahay in la saadaaliyo ninka noqon doona Madaxweynaha Kenya ee shanta sannadood ee soo socda. Waxa kale oo mid walba weheliya xubnaha u baratamaya Baarlamaanka dalkaas.

Labada nin oo ay weheliyaan labadooda murashax ee madaxweyne xigeenku, waxa ay dalka Kenya ka wadaan olole xoog badan, waxaanu mid waliba bedka soo dhigay balan qaadyo cusub iyo inuu dalka ka hirgelin doono isbedel dhaqaale, siyaasadeed iyo mid bulsho. Ka sokow balan qaadyada ay bulshada u samaynayaan, waxa kale oo ay labada dhinac isku hayaan dacaayado kulul oo uu midiba midka kale ku weerarayo.

Mr. Raila Odinga, wuxuu u muuqdaa inuu ka faa’iidaysanayo  dacwadda ay Maxkamadda dambiyada dagaalku ku qaadayso Mr. Uhuru Kenyatta, taas oo la xidhiidha  dagaalkii ka dhashay doorashadii 2007, waxaanu Mr. Raila ugu baaqayaa reer Kenya inaanay mustaqbalkooda madow gelinin. Laakiin waxa lagu eedaynayaa in ololihiisa noocan ahi yahay mid aan macno badan lahayn, waxaana lagu eedaynayaa inuu saaxiibadiisii hore ka iibinayo maxkamadda dambiyada dagaalka.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, ayaa khudbad uu shalay u jeediyay dadweynaha Kenya oo laga sii daayay telefishanka, wuxuu xisbiyada tartamaya ugu  baaqay inay aqbalaan natiijada doorashada, isagoo shacabka Kenyana ugu baaqay inay maalinta doorashada ku codeeyaan nabadgelyo.