Basaslayaasha Hargeysa Oo Ka Hadlay Sababta Kirisbooyadu Shaqada Basaska Uga Tageen

0
480

basHargaysa( Geeska )- Basaslayaasha magaalada Hargeysa ayaa in badan oo ka mid ah waxa ay meesha ka saareen kirishbooyadii kala shaqayn jira gaadiidka basaska ee magaalada u kala goosha, arintaas oo badan koodu ay sabab uga dhigeen shidaalka sare u sii kacaaya, maceeshadii oo qaali ah iyo basaska oo aan helin  farsado badan oo dakhli ka soo galo.

 

Wargeyska Gaaska Afrika ayaa arimahan waraysiyo kala soo yeeshay darawalada basaska iyo waliba qaar ka mid kirishbooyadii gaadiidkaas la socon jiray oo aan wakhtigan wax camal ah ahayn.

Darawalada basaska iyo kirishbooyada basaaska ayaa ay labadooda dhinacba ugu baaqay in xukuumadu ay shidaalka dalka wax ka qabto si way u sii wadi karaan adeegyada ay dadweynaha u fidiyaan, waxaanay eedaymo u jeediyeen ganacsatada oo ay sheegeen inay wax uun kordhiyaan balse aanay waxba hoos u soo dhigin.

Mustafe Iid oo ka mid ah darawalada basaska ee magaalada Hargaysa oo aanu gaadhigiisa la socon kirshboogii la shaqaynaayay oo wargeysku uu su’aalay sababta uu u reebay wiilkii la shaqayn jiray waxa uu yidhi “ Maceeshada iyo shidaalka oo sare u kacay awgeed way isu dabooli wayday darawalkii; markaas waxay noqotay kirishboogii inuu reebo ama kaba tago darawalnimada oo reerkii gaadhiga lahaa ay iskuba dhacaan oo uu iska dhigo, marka shidaalkii uu baxin kari waayo ama reerkii gaadhiga lahaa lacagtii ay doonayeen ay is baxin waydo. Arinkan dawladu waxba kama oga nin walibana waxuu ku sii daro mooyaane waxba kama dhimaayo oo waxiisa cirka ayuu gaynayaa.”

Sida oo kale Muxyadiin Maxamed Xasan waa darawal bas laakiin isagu waa uu watay kirishboogii la shaqaynaayay,isaguna dhankiisa waxa uu la qabaa Mustafe duruufaha jira “ Duruufo badan ayaa jira oo maanta baskii waxa haysta  fursadahii oo yaraaday iyo shidaalkii oo si qayrul caadi ah sare ugu kacay, markaas waxaanu dhaqaalii u qaybsamayn shidaalkii, kirishboogii, masaariiftii darawalka iyo masaariiftii reerkii gaadhiga lahaa  oo danbuu mooday darawalka iska daayay kirishbooga, waliba qolada qayishaana waa ay ka sii daran tahay.”

Nimcaan Birek Bawdhar oo ah wiil dhalinyaro ah oo muddo dheer basaska kaga  shaqaynaayay kirishboonimo oo wakhtigan ka tagay ayaa isaguna wargeyska Geeska Afrika uga waramay duruufaha soo waajahay  “ Baabuurtaan ka shaqayn jiray duruufaha aan hadda uga tagayna waxa weeye suuqooda ayaa iska taagan, waxay baxaan waa laba fursadood oo waliba soo noqodkooda inay soo buuxsami iyo in kale aan la hubin, qofkuna hadduu reer yeesho soddankii ( lacagta mushqaayad ahaan loo siiyo )  hadduu qado iyo casho ka cuno iyo in yar oo qaad ah reerkii waxba uma soo hadhayaan, sidaas daraadeed mar mar kuuliga ayaan iska galaa mar marna meelahaas ayaan shaqo yar oo kale ka raad sadaa, markaas sidaas ayaan basaskii baryahan kaga dhex baxay, shidaalkuna aad iyo aad ayuu saamayn noogu yeeshay, danyartii haddaanu nahay shidaalka iyo doolarku inay na dilaan ayuun baa noo hadhay.”

Sida  oo kale Axmed Cabdi oo isaguna dhankiisa laga erayay shaqaduu basaska ka hayn jiray oo sababta loo eryay aanu su’aalnay ayaa yidhi “ Mudooyinkanba maan shaqayn waayo gaadhigan la socday inuu kala kaco mooyaane waxba waa ay isugu hagaagi waayeen markii shidaalkii iyo wax kastaaba qaali ku noqdeen, oo waxa uu soo saari kari waayay waxii yaraa ee aniga iyo darawalku aanu qaadanaynay, reerkii lahaa  iyo shidaalkii uu isticmaalayay.”

Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cismaan oo aanu la kulanay waxna aanu ka waydiinay sababaha ay basasku meesha uga saareen wiilashii la shaqayn jiray ayaa yidhi “ Waa run oo waa ay nala shaqayn jireen laakiin imika waxaan u kaxaysan waynay waa duruufaha iyo waxyaabahan is badalay haday noqoto shidaalkii,isbaadhbaadhkii iyo runtii baabuurtii oo aan wax badan soo saarayn, sidaas awgeed ayaanu inamadii isaga daynay, waxaana jira kirishbooyo badan oo markii hore gawaadhi la socon jiray laakiin imika aan camal hayn, anigana ilaa laba bilood ku dhawaad imika kirishboo iima uu shaqayn, hawliina anigaa wada qabsaday oo dadkuna iyaga ayaa lacagta iska soo ururiya oo iyada oo habaysan ayay dadku noo dhiibaan, markaanu dhaqaaqayno ayaanu nidhaahnaa isku soo dardara.”

Iskaashatada basaska ee magaalada Hargeysa oo warbaahinta la hadashay ayaa iyadu dhankeeda sheegay inay dadweynaha qiimaha basaska lagu raaco ku kordhinayaan haddii aan xukuumadu xakamayn shidaalka dalka oo sare u sii kacaaya, waxaana xukuumada haatan looga fadhiyaa inay arimahan shidaalka talaabo hagaagsan ka qaadato si aanay sixir barar dalka ugu keenin.