Raggu Waxa Ay Jecel Yihiin In ‘Like’ Badan Ay Helaan Haddii Kale, Nafsad Ahaan Ayaa Ay U Bukoodaan

0
558

Washington (Geeska)- Waxaa aad u badan dadka isticmaalkooda barkulannada bulsho ee internet ku uu keliya yahay faan iyo in ay asxaabtooda is tusaan, gaar ahaan marka qoraal ama sawir ay soo dhigeen uu kasbado tiro badan oo calaamadda ka helidda lagu cabbiro ee ‘Like’. Sida oo kale dad badan ayaa kalsooni nafsiyadeed iyo xasilooni dareema marka ay arkaan in dad badani ‘Like’ ku calaamadiyeen qoraalladooda iyo sawirradooda ay soo dhigaan baraha bulshadu ku xidhiidho.

Dhinaca kalana waxaa jira dad badan oo si ay u kasbadaan ‘Like’ badan iyo faallooyin qurux badan, ku dadaala in ay sameeyaan majaro-habaabin iyo in ay xaaladdooda nololeed u muujiyaan mid aan ahayn sida ay run ahaan tahay.

Rayi-ururin cusub oo ay samaysay xarunta Kaspersky Lab ee soo saarta barnaamijyada Fayraska lagula dagaalamo, ayaa muujisay in tobankii ruux ee kasta ee adeegsada barkulannada bulshada, uu mid ka mid ah inta badan xaqiiqada leexiyo, marka uu wax ku qorayo barkulannada bulshada, si uu u kasbado in badan oo ka mid ah calaamadda ‘Like’.

Arrinta xiisaha leh ee ku jirta daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay ayaa ah in raggu ay dumarka kaga badan yihiin jacaylka calaamadda ‘Like’ iyo dadaalka ay ku raadinayaan in ay helaan, taasina ay tahay sababta marka dumarka la barbar dhigo ay raggu ku badan yihiin soo bandhigista waxyaabo muujinaya in ay ku talax tegeyaan faafinta arrimo badan oo ku fiicnaa in ay gaar u ahaaadaan, (Sir shakhsi ah).

Sahamintan oo Geeska Afrika uu ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegay in boqolkiiba 12 dumarka isticmaal baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ku ay soo bandhigaan farriimo been ah oo ay ku sheegayaan meel ay joogaan ama hawl ay gacanta ku hayaan oo aan jirin iyada oo ula jeedkoodu yahay keliya in ay soo jiitaan dareenka dadka ay bar-kulanka ku xidhiidhaan. Halka marka ragga la barbar dhigana ay tiradu gaadhayso boqolkiiba 14. Waxa aanay tani marag u tahay in dad badani isticmaalkooda baraha bulshada ka leeyihiin oo keliya in ay soo jiitaan dareenka dadka kale.

Sahamintu waxa ay sheegtay in boqolkiiba 14 raggu ay si gaar ah u daneeyaan tirada ‘Like’ ah ee ay helaan, iyaga oo taas kordhinteeda uun u dan leh ayaanay dhacdaa in ay marar badan barahan ku baahiyaan arrimo dhaqan ahaan laga yaabo in qofku marka uu caadiga yahay aanu ku dhaceen sheegiddooda iyo arrimo sir ah oo xitaa mararka qaarkood saaxiibbadooda iyo dadka ay isku shaqada yihiin ku saabsan. Halka dumarka arrintan samaynayaa ay ka noqdeen boqolkiiba 7 keliya.

Sahamintu waxa ay muujisay in boqolkiiba 24 ragga uu ku dhaco walbahaar iyo in ay naftooda nafsiyan uga raalli noqon waayaan, haddii aanay helin tiro ‘Like’ ah, waayo waxa uu isu arkayaa in dadka kale ee la socdaa ay u qaadan doonaan in uu yahay qof aan shacbiyad badan lahayn ama dadku jeclayn.

Ugu dambayntii xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ka digeen in jacaylka ‘Like’ loo qabaa uu keeni karo in qofku uu faafiyo xogo ay ahayd in ay gaar u ahaadaan oo laga yaabo in ay marka dambe khatar ku keenaan ammaankiisa ama sumcaddiisa.