Raggu Waa Dhallaan Weyn, Iyaga Ayaana Dumarka Kaga Dhib Badan Barbaarinta Ubadka

0
765

Inkasta oo hal ku dheg hore ee Soomaaliyeed yidhaahdo ‘Haweenku waa dhallaan raad weyn’ haddana daraasaadka lagu sameeyey cilmiga bulshada iyo waayoaragnimada laga dhaxlay nolosha casriga ahi waxa ay muujinayaan taas liddigeeda oo ah in raggu ay guryahooda ka yihiin dhallaan weyn oo gabadha ku haya culays xitaa ka badan ka uu ilmaheeda ay barbaarinaysaa ku hayo.

Sida lagu xusay warbixin uu barnaamijka ‘Haweenka’ ee shabakadda Aljazeera baahiyey horraantii bishii Feebarweri 2020 ka, daraasado cilmiya ayaa daahfuray in raggu sidoodaba aanay marxaladda bisaylka nololeed iyo qaangaadhnimada maskaxeed gaadhin illaa da’doodu gaadho da’da afartan sano jir iyo ka weyn. Sidaas awgeedna ninku inta uu ka yaryahay afartan sano jir waxa uu dumarka ku keenaa culays la mid ah am aka badan ka ubadka barbaarintoodu u baahantahay. Arrintani waxa ay si ugu dhadhan eegtahay xaaladda ay Soomaalidu kaga maahmaahday, ‘Inan / Wiil yari qabniin xumaa’

Sahamin ay 7 kun oo hooyo ku samaysay shabakadda ‘Today’ waxaa ka soo baxday in celcelis ahaan boqolkiiba 46 dumarku aaminsan yihiin in culayska nafsadeed iyo qulubka ka dhasha daryeelka saygoodu ay ka dhib iyo culays badan tahay midka ka dhasha barbaarinta ubadka. Hooyooyinkan ayaa ka cawday in marar badan uu ku dhaco culayska hawlihii laga filan lahaa oorida iyo sayga labadaba, iyada oo aanu ninku aanu wax gacan ah ka geysanayn.

Cilmibaadhis ay samaysay shirkadda Nickelodeon UK oo lagu sameeyey kala duwanaanshiyaha bisaylka masaxeed ee ragga iyo dumarka ayaa lagu ogaaday in da’da qaangaadh ee raggu ay ka bilaabato 43 sano jirka, taas oo macnaheedu yahay in ninku uu qaangaadho 11 sano kaddib qaangaadhka gabadha oo isagu inta badan aan dhaafin 32 sano jirka.

Dumarkan oo qaarkood xalka la weydiiyey ayaa ku taliyey in raggu ka qaybqaataan shaqooyinka culus ee guriga gudihiisa ku jira oo aanay guriga u arag uun goob raaxo ay u soo doontaan, in saacadahooda firaaqada ay waqti fiican ka siiyaan qoysaskooda oo aanay bannaanka iyo asxaabtooda oo keliya ku koobin, in ninku uu ku dadaalo in aanu mar kasta ooridiisa ka sugin daryeel uu noloshiisa guriga oo dhan iyada ku tiirsan yahay, iskuna dayo in uu waxyaabo badan iskii u qabsado.