Rabshado Xalay Cawayskii Mar Kale Ka Dhacay Waqooyiga Hargeysa

1
705

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Rabshado hor leh ayaa xalay cawayskii mar labaad ka bilaabmay xaafadda 150-ka ee magaalada Hargeysa ee degmada 26-ka June, halkaas oo ay Axadii doraadna rabshado ka dhaceen.

 

Rabshadahan waxa samaynaya taageerayaasha qaar ka mid ah xildhibaano hore loogu dhawaaqay inay ku guulaysteen golaha deegaanka Hargeysa, balse markii dambe lagu bedelay kuwo kale iyadoo ay guddiga doorashooyinku sheegeen inay dib u hubin ku sameeyeen codkii degmada Faraweyne. Taageerayaashan ayaa xalay cawayskii taayiro ku gubay jidka wadnaha ah ee 150-ka, waxaana kala xidhmay isu socodkii iyo ganacsigii xaafadaas, laakiin waxa markii dambe goobta yimid ciidamda Booliska oo la sheegay inay awood ku kala dareeriyeen dadkii dibad baxyada samaynayay. Mana jiro wax dhaawac iyo dhimasho ah oo la wariyay inay xalay dhaceen. Laakiin dadka xaafadaas ayaa dhawr goor xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato cabashada bulshadaas ee la xidhiidha in meesha laga saaray xildhibaankoodii hore loogu dhawaaqay inuu ku guulaystay mid ka mid ah 25-ka kursi ee caasimadda Hargeysa.

Doorashadii goleyaasha deegaanada ayaa saamayn ku yeeshay magaalada Hargeysa, waana markii afraad ee ay wakhti kooban gudihii dibad baxyo rabshado wataa ka dhacaan magaalada Hargeysa, waxaana rabshado ka dhacay degmada Axmed Dhagax ku geeriyooday laba ruux, halka ay 8 kalena ku dhaawacmeen.

Comments are closed.