Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Qiray Inuu Ka Niyad Jabay Muqdisho Oo Lagu Yasay

0
614

dHargaysa( Geeska )-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ah muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan fikirka Somaliweyn oo ku guuldaraystay tartankii uu u galay jagada madaxtinimada Somaliya, ayaa sheegay inuu qalbi jab kula noqday dalka Maraykanka oo uu markii hore ka yimid.

 

 

Prof. Samatar oo hadal ka jeediyay xaflad ay Somalida Mennosota ee dalka Maraykanku dhawaan u qabatay, wuxuu sheegay inuu isu arkay inuu ajaanib ku yahay magaalada Muqdisho,  “ Anigu waxaan dalka ka soo noqday aniga oo qalbi jabay, kamaan soo fasax qaadan baarlamaanka ee tigidhkayga ayaan iska soo goostay oo waan iska soo baxay, waxaan uga soo noqday qalbigaygii oo hoos u dhacay, laba amuuroodna hoos waa uu ugu dhacay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “waxa qalbigayga jabintiisa kamid ahaa markii ugu horaysay  noloshayda anigoo lixdankii madaxa galiyay soddan sanadoodna dalka wax ka qoraayay, Waxaan soo arkay  marka ay timaado dabaqada siyaasada maaha dadka caadiga ahe, waxaan soo ogaaday layguna yidhi inaan ahay qof reer waqooyi ah, oo marka lays gudo galo ee la wada hadlo ee hoggaaminta iyo waxaas laga hadlo ee meel loo dhaqaaqo la waayo lagugu odhanaayo idinku waad maqantihiine hadalka naga daaya. Sheekada soo kulaal oo halkaas soo fadhiiso laakiin gunta hasoo galin taas waan soo ogaaday.”

Axmed oo sii sharaxaya waxyaabaha ka yaabiyay wuxuu yidhi  “ Waxaan soo ogaaday in ay leedahay laba jaranjaro, jaranjarada hore waxa weeye mid loo garaabi karo waayo degmada aan ka imid ee Somaliland waan baxnay ayaa la yidhi, anigu waxaan aaminsanahay dadka degmadaas ku nooli wax badan ayay qabsadeen oo wanaagsan, haddii aan la garan oo aan la qirin oo aan meel walba laga sheegin wanaaga ay qabsadeena layskuma soo noqon karaayo.”

Hadalka Axmed Ismaaciil Samatar, waxa laga dhadhansan karaa inuu weji gabax kala kulmay markii u horaysay ee uu isku dayay inuu dhex galo siyaasadda Somaliya, waxaana la xasuustaa inuu tartankii doorashada madaxtinimada Somaliya ka helay 8 cod oo dabcan ah codka xildhibaanada siddeeda ah ee Beeshiisa Awdal ugu jira Baarlamaanka Somaliya, balse uu xataa hal cod ka waayay Somalida kale.