“Haddii Xayiraaddii La Qaaday (Covid_19) Yaan La Is Dhigan Ee Taxadar Ha La Sameeyo”

0
487

Hargeysa (Geeska) – Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse ayaa ka hadlay xayiraadda laga qaaday iyo khatarta uu leeyahay xanuunka Koronuhu, waxaanu ku baaqay in lagu dedaalo ilaalinta caafimaadka aadna looga feejignaado khatarta xanuunka Koronaha.

Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhaweeynayaa xayiraaddaas la qaaday ee aad ha la isku ilaaliyo, oo aad ha loo feejignaado, xanuunka Koronuhu weynu aragnaa inuu yahay xanuun aad ugu baahaya Adduunka, oo waliba sababay dhimasho dad aad iyo aad u tiro badan, ee haddii xayiraaddii la qaaday yaan la is dhigan, ee taxadar badan ha la sameeyo, oo xaalad kasta oo xanuunkani ku fidi karo aynu iska ilaalino ILLAAHAY baa wax ilaaliye, oo mar kasta aynu ogaano baryada ILLAAHAY, mar kastana waanu ducaynaa, ee ILLAAHAY xaqa ha ina waafajiyo”